Weeraro lagu hoobtay oo xalay lagu qaaday Paris

Weerarradii ugu xumaa ayaa xalay lagu ekeeyey magaalo-madaxda Faransiiska ee Paris iyadoo lagu dilay ugu yaraan 150 qof tiro badan oo aan weli la sugina ay dhaawac yihiin.

Weerarrada ayaa lala beegsaday meel ay ka socotay bandhig-faneed ay fannaaniin caan ahi heeso ku soo bandhigayeen halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen ugu yaraan 1500. Sida ay goobjoogayaashu sheegeen waxa oodda lagaga qaaday rasaas muddo dheer socotay kadibna markii dambe kuwii weerarka soo qaaday waa ay isku qarxiyeen.

Weerar kale oo kan mataan la ah ayaa ka dhacay goob ay ka socotay ciyaar saaxiibnimo oo kubadda cagta ah oo dhex maraysay Faransiiska iyo Jarmalka.

Weli tirada sugan ee khasaaraha ah lama hayo, weerarkana cid si sugan u sheegatay ma jirto. Hase ahaatee waxa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen kooxda la baxday Dawladda Islaamiga ah ama Daacish loo yaqaan iyadoo la og yahay in uu Faransiisku ka mid yahay dawladaha ISIS ku beegsada Suuriya.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah waxanu hawl-galiyey tiro badan oo ka mid ah ciidamada Faransiiska iyadoo la xidhay xuduudaha Faransiiska oo dhan si loo hubiyo in aanay fakan kuwii weerarradan gaystay.

Kani maaha weerarkii koowaad ee nooca argagixisada loo yaqaan ee lagu qaaday Faransiis laakiin waa weerarkii ugu weynaa.

Bandhige@gmail.com