Weerer lagu ekeeyey safaaradda Maraykanka ee Istanbuul iyo saldhig booliis oo la qarxiyey

Laba qof oo hubaysan ayaa saaka rasaas dhibica kaga dhigay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbuul, wax yar uun kadib markii la qarxiyey saldhig booliis oo isla magaaladan ku yaal. Waxa iyagana rasaas ugu jawaabay ciidamadii amniga ee safaaradda ilaalinayey, halkaas oo cabaar tacshiirad la is waydaarsanayey.

Qaraxa loo gaystay saldhigga booliska ee ku yaala xaafadda Sultanbeyli waxa ku dhaawacmay 10 qof oo 7 ka mid ahi yihiin saraakiil booliis ah. Saldhigga booliska oo saddex dabaq ka koobnaa ayaa lagu warramayaa in ugu yaraan laba dabaq dumeen.

Labada qof ee qunsuliyadda weerarka ku soo qaaday midkood waxay ahayd haweenay inta la dhaawacay ayaa haddana laga soo qabtay guri aan ka durugsanayn saldhiggii ay soo weerartay. Qofkii kale wali lama aqoonsan laakiin boolisku waxay sheegayaan in lagu daba jiro.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee weeraradan ka dambaysa iyo cidda ka dambaysa. Hase ahaatee bishii u dambaysay Turkigu waxay wadeen weerar ay ku ekaynayaan jabhadda kurdiyiinta ee magaceeda loo soo gaabiyo PKK, kuwaas oo saldhig ku leh Ciraaq.

Sidoo kale, xukuumadda Turkigu waxay dhawaan Maraykanka u ogolaadeen in diyaaradihiisa dagaalku ay isticmaali karaan hawada Turkiga si uu weerar ugu qaado kooxda ISIS.

Weerarradani waxay yimaadeen kadib markii dhawaan bam lagu eedeeyey ISIS ay galaafteen nolosha 32 qof, sidoo kale waxa kor u kacay weerarrada ay jabhadda PKK ka fuliyaan Turkiga dhexdiisa.

Wixii hadba ka soo kordha dhacdadan kala soco Bandhige.

 

bandhige@gmail.com