Wefti balaadhan oo ka kooban Komishanka, Xukuumadda, saddex xisbi iyo goleyaasha sharci-dejinta ayaa u socdaalay Sool iyo Sanaag

Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa maanta safar laba todobaad qaadan doona u ambabaxay Goboladda Sanaag iyo Sool oo ay soo indha indhayn doonaan Diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

Weftigan waxa kale oo ku weheliya socdaalkooda masuuliyiinta ka socda saddex xisbi qaran, Golayaasha Guurtida iyo Wakiiladda iyo wasaaraddaha Gaashaan-dhiga iyo Arrimaha Gudaha.

Komishanka Doorashooyinka ayaa ku shaaciyey socdaal Goboladda Sool iyo Sanaag shir-saxaafadeed u ku saxeexan yahay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka, Bandhige oo helay nuqul ka mid shir-saxaafadaeedkun waxa uu u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Ujeedo; Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Kormeer shaqo ugu ambabaxay Gobalada Bariga Somaliland.

Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa Gobalada Beriga Somaliland ugu ambabaxay wefti heer Qaran ah. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan Gobaladda Sool iyo Sanaag iyo xaalada ammaan ee deegaamadaas.

Weftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato muddo laba todobaad ah ayaa waxa ku wehelinaya:

  1. Guddiga Komishanka Qaranka.
  2. Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADDANI.
  3. Wasaaradda Gaashaan-dhiga.
  4. Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
  5. Golaha Guurtida.
  6. Golaha Wakiilada.

Allaa mahad leh

Afhayeenka Komishan Doorashooyinka

Saciid  Cali Muuse

 bandhige@gmail.com