Wefti ballaadhan oo ka socda Imaaraadka Carabta oo uu hoggaaminayo Baashe Cawil ayaa lagu soo dhaweeyey Maddaarka Cigaal

Sida ku dhigan war-saxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa yimid wefti ballaadhan oo Imaaraati ah kaas oo uu hoggaaminayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe Cawil. Weftigan waxa ka hortegay oo soo dhaweeyey wasiirrada macdanta, waxbarashada, diinta iyo awqaafta, deegaanka, Safiirka Shiinaha u fadhiya Somaliland, Xoghayaha Madaxweynaha, salaadiin, masuuliyiin kale oo tiro badan. Waxaa halkaas ka hadlay Safiirka Imaaraadka, Wasiirka Macdanta iyo Wasiirka Deegaanka.

War-saxaafadeedka oo dhammaystiran hoos ka akhriyo.

Safiirka imaaraadka baashe, “maanta farxad weyn bay inoo tahay waftigan dalka yimid ee ka socda dawlada imaaraadka carabta ee halkan nagu soo dhaweeyay, wasiiradii xukuumada iyo masuuliyiintiii kale ee qarankaba, waxaan aad iyo aad uga mahad celinaynaa sida diiran ee dalka loogu soo dhaweeyey gaar ahaan caasiamada somaliland ee hargaysa, waftigan imaaraadka oo ka kooban sideed xubnood, waxa ay dalka joogi doonaan mudo sadex cisho ah, waxaanay ka kala socda hay”adaha kala duwan ee dalka imaaraadka carabta, waxaanay runtii ujeedadoodu tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen masharaaicihii samafalka ahayd ee dawlada imaaraadku hore uga waday somaliland”,

Wasiirka Macdanta, Xuseen Cabdi Ducaale “waftigan uu dalka keenay safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraadka aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, farxad ayey inoo tahay walalaaheena imaaraadka oo xidhiidh soo jireeni uu ka dhexeeyey somaliland mudo dheer, dalkoodii hooyo markii ay marar badan yimaadeen, imikana ay mashaariic dhaxal gala ay dalka u wadaan, oo ka socotay markii madaxweynuhu imaaraadka tagay oo uu dawlada imaaraadka la kulmay oo mashaariico balbalaadhan oo horumara ay dawlada imaaraadku ugu balan qaaday somaliland, maanta markaa waftigan safiirku wadaa, waa inay dardar galiyaan oo hawlgaliyaan mashaariicdaa ay ugu balan qaadeen Somaliland.

waftiga sida uu safiirku sheegay waxa uu ka kooban yahay sideed qof oo uu hogaaminayo nin aan dalka ku cusbayn oo ka socda xukuumada imaaraadka oo layidhaahdo maxamed al kacbi, iyo muhandisiin iyo Engineero iyo dadwaxgarada oo mashaariicdaa kala duwan haday tamar noqoto, haday deegaan noqoto, haday diinta iyo awqaafta noqoto, iyo xaga beeraha, mashaariic kala duwan oo aad u balaadhan sidii loo hirgalin lahaa ayey maanta dalka u yimaadeen”

Wasiirka Deegaanka, Shukhri Xaaji ismaaciil Bandarre “runtii maanta waxa weeye maalin aad u qiima leh, illaahaybaa mahad leh, waxaanan runtii aad ugu mahad celinaynaa safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraadka iyo waftiga balaadhan ee uu hogaaminaayey ninka maanta masuulka ah ee maxamed al kacbi, dhamaan waan u wada mahad celinaynaa dalka somaliland waan ku soo dhaweynaynaa markii ugu horaysay ee aynu kulano maaha waxa weeyi dad jecel inay wax ina taraan, jecel runtii inaynu wax noqono oo laba dawladood oo isku xidhan aynu noqono, aad iyo aad baan waftigaa balaadhan u soo dahaweynaynaa,

sida ay inoo sheegeen safiirka iyo wasiirku runtii waxa ay u socdaan inay wax ina taraan oo wax inala qabtaan inay kor inoo soo qaadaan, dalka imaaraadku maaha dal aynu isku cusubnahay ee waa dalalka ugu wanaagsan ee aynu xidhiidhka dheeri inta badan inaga dhexeeyey ummaddeenuna inta badan ay ku noolayd,

runtii wadankana laga soo dhisay wadamada laga soo dhisay ayey ku jiraan ee somaliland runtii lafdhabarta u ahaa, dadkeena halkaa jooga sida ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay maanta dalkani uu yahayba qayb wayn oo laxaadleh ka qaateen, waynu kusoo dhawaynaynaa wixii waxqabada waan la shaqaynaynaa waanan la qabanaynaa illaahay baa mahad leh, madaxweynuhuna waxa weeyaan madaxweynihii inoo furay albaabada runtii ee albaabadaa wada garaacay ee maanta dalalkaa iska wada daba imanaya dalkasta ha ahaadee furaha runtii u noqday, madaxweynahana waxaan leenahay aad baad u mahadsan tahay, anaguna si sharaf leh oo qadarin leh ayaan u soo dhaweynaynaa waxna ula qabanaynaa hadii alle yidhaahdo”

Links ka Video ga

Wa Bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Secretary Office Media of the Presidential