Wefti balaadhan oo isugu jira xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Salaasadii gaadhay tuulada Adhicaddeeye oo kaabiga ku haysa Laascaanood.
Dr. Abdirisaaq Jamac Nuur, Agaasimaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha, ayaa weftiga hoggaaminayey waxana ku wehelinayey Badhasaabka Maroodijeex Jeeniyare, Taliyaha Qaybta Booliska Sool, odayaal iyo waxgaradka ka tirsan gobolka Sool iyo sidoo kale khuburo ka socota Imaaraadka Carabta.
Ujeeddada socdaalka weftiga ayaa ah in ay u kuurgalaan suurtogalnimada biyo wanaagsan oo laga soo saari karo qaybo ka mid ah gobolkaas.
“Ujeeddada safarkayagu waa in aanu sahamino guud ahaan biyaha gobolka, gaar ahaana biyo-xidheen loo samaynayo deegaanka Adhicaddeeye ee gobolka Sool” ayuu yidhi Agaasime Cabdirisaaq.
Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in weftigan Imaaraadka ka yimid uu daba socdo safarkii uu dhawaan Madaxweyneha Somaliland ku tagay dalkaas kagana dalbaday in Somaliland laga taageero dhinacyo ay biyuhu ka mid yihiin.
Degmada Adhicaddeeye ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay kuwa hela biyaha roobka ee ugu badan, hase ahaatee biyahaasi iyada oo aan laga faa’iidaysan ayay badda galaan. Biyo-xidheenka ay haatan dawladda Imaaraadka Carabtu qorshaynaysaa haddii uu hirgalo wuxu wax badan ka bedeli doonaa heer-nololeedka dadka deegaankaas. Sidoo kale wuxu noqon karaa tijaabo horseedda in biyo-xidheeno kale laga yagleelo gobolkaas iyo gobollada kale ee dalka.
Dadwaynaha degaankaas iyo odayaashooda ayaa ku diirsaday safarkan Imaaraadka ku sahaminayo biyaha deegaanka waxayna sheegeen in ay u soo noolaatay rajadii ay ka qabeen in mar uun xaaladda biyaha ee deegaankooda ay wax iska bedeli doonaan.
Weftigu intaas uun kuma ay ekaan. Sidoo kale waxa ay soo mareen dugsiga boodhinka ah ee ku yaal deegaankaas iyagoo indho-indheeyey baahiyaha uu qabo.
Hoos ka daawo warbixin muuqaal ah:
bandhige@gmail.com