Wefti ka socda Imaaraadka Carabta oo booqday deegaano hoos yimaadda Saaxil iyo Maroodijeex

????????????????????????????????????

Weftigii ka socday dawlada Imaaraadka Carabta ee socdaalk ku joogay Somaliland ayaa kormeer ku soo maray deegaano ay ka mid yihiin Sheekh, iyo Tuulooyinka hoos yimaada, iyaga oo uga sii gudbay dhinaca Buurta Gacan libaax oo ay ku lahaayeen Casuumad qado sharaf ah oo ay ugu talo gashay Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyadu weftiga kormeer ku geysay goobo muhiima oo ay ka mid yihiin seerayaal ay si weyn isaga kaashadeen Wasaarada Deegaanka iyo Hay’adda Candlelight iyo Buurta taariikhiga ah ee Gacan libaax.

Kormeerkan ayaa ahaa mid ay ugu kuur gelayeen xaaladda guud ee deegaamadda Gobolada Saaxil iyo Maroodijeex, waxaanay halkaasi kala kulmeen soo dhawayn balaadhan oo ay u sameeyeen masuuliyiinta iyo dad weynaha ku dhaqan deegaamada Sheekh, Tuulooyinka iyo degmada Go’da weyn.

Weftiga ayaa la filayaa in ay soo kormeeraan goobo kale oo ay indha-dhayn ku samayn doonaan wixii ay ka qabteen iyo mid qiimayn ah.

bandhige@gmail.com