Wefti ka socday Ha’yadda UNDP iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kulan ku yeeshay Hargeysa

Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay Hogaamiynayaan Duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Xog-hayaha Fulinta Ibraahim Axmed Raabbi, Agaasimaha Qorsheynta Cabdiqaadir Cumar Jaamac iyo Lataliyayaasha Dawladda Hoose ee Hargeysa ee mashaariicda JPLG Maxamed Jaamac Meygaag iyo Maxamed Cumar Cabdilaahi ayaa waxay shir la yeesheen Guddi qiimeyn iyo dabagal ah oo ka socotay Hay’adda UNDP.

Kulankan ayaa waxa uu ka qabsoomay Xxarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa gaar ahaan Xafiiska Duqa Caasimadda ayaa waxay dulucda kulanku ahaa sidii wax looga ogaan lahaa saamaynta uu mashruuca JPLG-gu u leeyahay adeeg-bixinta Dawladda Hoose iyo hirgelintiisu sida ay bulshada caasimaddu uga faa’iidaysteen.

Qiimeyntan oo ku saabsanayn labadii sanno ee 2013-kii iyo 2014-kii ayaa waxa ugu horeynba weftiga ku soo dhaweeyay xarunta Dawlada Hoose Hargeysa Maayar Cabdiraxmaan Soltelco oo xog-balaadhan ka siiyay sida ay mashruucan JPLG-ga iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ay iskula jaan-qaadeen.

Maayarka ayaa sheegay in mashruucani uu saddex qeybood ka taageero dawladda hoose kuwaas oo kala ah, Kobcinta iyo Horumarinta, Dejinta siyaasadaha iyo ta saddexaad oo ah Adeeg-bixinta, isagoo si fiican ugu sharaxay sida uu mashruucani muhiim ugu yahay adeegyada kala duwan ee ay u fidiyaan bulshada balaadhan ee ku nool caasimadda.

Sidoo kale waxaa uu Maayarku u sheegay wafdigii Daba-galka iyo Qiimeynta Mashaariicda JPLG-ga in ay Hadday yihiin degmada ugu balaadhan degmooyinka uu ka socdo mashruucani, baaxad ahaan iyo adeegyada ba ay ka codsan lahaayeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku bahoobay Mashruucan in ay kordhiyaan qeybta adeeg-bixinta ee loo yaqaanno LDF taasoo ay Hay’aduhu bixiyaan 83% halka Dawladda Dhexe na ay ku darto 12% Dawladda Hoose na ay ku darto 5%. Maayarku wuxuu xusay todobadii Sannadood ee mashruucani socday ay aad uga faa’iidaysteen haday yihiin degmadda Hargeysa ayna ugu mahadcelinayaan cid kasta oo ka qeyb-qaadatay.

Ugu dembayntiina wafdigii ka socday UNDP ee qiimaynta ku samaynayay mashaariicda JPLG-ga waxay su’aalo waydiiyeen Guddiyadii ka faa’iidaystay laba ka mid ah mashaariicda faraha badan ee ay maalgaliyeen JPLG-gu. Guddidaas oo ka koobnay 5 xubnoo oo saddex ka mid ahi dumar yihiin. Waxaanay kala matalayeen guddidii dabagalka mashruuca Wadada Saddexaad ee ugu wayn oo ah wadada ka tagta Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarinta ee tagta Kilirka iyo mashruuca Sariibadda Qudhac-dheer oo ay ka war-bixiyeen sida ay bulshadu ugu faa’iideen labadaas mashruuc iyo in ay sida uu kor-ugu-kacay bulshada ku nool xaafadaha laga fuliyay mashaariicdan.

Mashruucan ayaa waxa ay samaysteen ganacsiyo badan, nabad-galyadii baa kor-u-kacday is-dhex galkii bulshada ayaa fududaaday waxaanay guddiyadii xaafaduhu ku amaaneen dawladda Hoose ee Hargeysa sida ay uga war-heyso bulshadooda jilicsan.

Kulankaas oo ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan, weftigiina waxay sheegeen in ay mashaariicdaas si wanaagsan loo fuliyay kuna dhiiri-geliyay in ay dadaalka iyo horumarka halkaas ka sii wadaan, Wacyi-gelinta iyo wacyiga bulshadana kor-u-qaadaan.

2015-10-08-12-03-18-973

bandhige@gmail.com