Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye oo u ambaxay Caynabo

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shalay u ambabaxay Caynabo ayaa waxay xalay u hoydeen Burco iyagoon maanta uga ambabixi doona Caynabo si ay uga qaybgalaan shir uga socday beel ka mid ah beelaha dega Caynabo shir uga socday.

Weftigan ayaa waxay ka kooban yihiin hoggaanka sare ee Kulmiye, wasiiro iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbigaba.

Weftigan ayaa waxa lagu wadaa inay shirkaas hadallo kasoo jeedin doonaan, iyagoo sidoo ka hadli doona baahiyaha gobolka iyo waliba waxyaabaha horumarka la xidhiidha ee xukuumaddu halkaas ka qabatay.

Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyey ee Guddoomiyaha Kulmiye ugu ambabaxo Gobollada Beriga tan iyo intii loo doortay in uu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee Kulmiye ee doorashada 2017-ka.

bandhige@gmial.com