Wefti uu hoggaaminayo Guddooomiyaha UCID ayaa socdaal nabadeed ugu ambabaxay gobollada bariga

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa waxay xalay u hoyden Burco, weftigan ayaa waxay socdaal ku kala bixin doonaa gobollada beriga, socdaalkaas oo ay ugu magic dareen socdaalka nabada.

Guddoomiyaha Faysal iyo Guddoomiyaa xisbiga UCID ee gobolka Togdheer oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegeen ahmiyadda socdaalka weftigan ee gobollada beriga.

Ugu horeyn waxa shirka jaraa’id ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Aadan Cismaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“ Waxaan u mahad naqayaa Guddoomiyaha iyo waftigiisa uu hoggaaminayo ee booqashada ku yimid Gobolka Togdheer , Guddoomiyaha iyo waftigiisu kow uma ahaa in ay gobolka Togdheer yimaadaan balse marar kale oo ka horeesay ayaa yimaadeen insha allaah marar kalena way iman doonaan. ”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Guddoomiyuhuu wuxuu u soo baxay in uu Gobollada Bariga Somaliland iyo degmooyinba socdaal ku soo maro si uu u soo indho indheeyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadku waanu ku mahad sanyahay Guddoomiyuhu .”

Ugu dambeyntii waxa shiran jaraa’id saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si faahfaahsan uga hadlay Safarka Nabadda Iyo Mideynta Somaliland waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:

“Sida uu Guddoomiyuhu sheegay halkan socdaal ayaanu ka bilawnay waa mar saddexaadkii aanu soo marnay sannadkan Gobollada Sool iyo Togdheer, doorkan se waanu ka balaadhinayo waxaa Socdaalkan la yidhaa, Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland, waxa socda dhaqdhaqaaqyo aad u fiican oo lagu adkeenayo midnimada Somaliland.”

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ka warbixiyey kulamaddii ay dadweynaha la qaateen, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dad waxa jiraa labaatan- kaa sannadood ee ay Somaliland jirtay aan imanba , maanta Waxaanu halkan kula shirnay Degmada Widh-widh  ergadii ka socotay , Dabayl fiican oo caafimad ayaa socota, khayrba soo urayaa , waxaan hambalyeenay Garaad Jaamac iyo Ina Soofe oo ka shaqeeyay nabadii ka dhacday soonaha shanaad, tubtii Garaaddada iyo Salaadiinta lagu arki jiray ayay nimankaasi hayaan, wixii loo doortay ayay ka shaqeenaya waa tusaale fiican oo lagu dayan karo .”

Gebagebadii waxa uu Faysal Cali Waraabe ka waramay qorshe Komiishanka iyo xisbiyadu isla qaataan kaas la doonayo in gobolladda bariga doorashadda lagu gaadhsiiyo gaar ahaan degmooyinka aanay wali doorashadu gaadhin, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa jira qorshe aanu hadda qaadanay, Dawladdu qaadatay, komiishanku qaatay ka dibna saddexda xisbi isla qaateen oo ah sidiii ay doorasho fiican oo mug lehi uga dhici lahayd Buuhoodle oo aan hadda meel kasta aanay ka dhacayn in wakhti la siiyo, wakhtigaas sida uga faa’iidaystaan oo mar lagala dhigo Diinwaan gelinta Gobolka Sool oo isagu ugu danbeeya, Muddadaana ay Dawladdu ay maamulkii iyo nidaamkii ay gaadhsiio meelaha aanay hadda dawladdu si fiican uga shaqeyn, arrintaasi waa arrin lagu daneynayo dadka reer Buuhoodle, oo hadhow marka la is tirinayo, hadhaw ileen tiro la isugu faanayaaye haddii ay badh is diinwaangeliyaan, waxa la moodayaan in dadku yar yihiin dhulkaasi degeni si ay isku muujiyaan . Sidoo kale waxaa la is raaciyay , Saaxil , Salaxley , Gabiley , Baligubadle, farsamo ahaan ayaa la isku raaciyay iyadoo la eegayo wakhtiga iyo cimilada, wax foolxumo ku jirtaa ma jirto oo dadka loo daneenayaan .”

Safarka Nabadda iyo Mideynta uu u hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa waxa uu ku ek yahay Gobollada Bariga, inkastoo aanay sheegin safarkana u gudbi doono gobollada galbeedka Somaliland.

bandhige@gmail.com