Wefti Uu Hoggaaminayo Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha Ee Deg. Sheekh Oo Kormeer Sameeyay

 

Sheekh (WHB) – Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha u qaabilsan degmada Sheekh Maxamed Cabdi Xuseen, ayaa kormeer shaqo ku soo maray dhul-beereedka degmada Sheekh qaarkood.

Isku-duwaha oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa soo kormeeray dhul-beereedka deegaannada kala ah Isku-dar, Hallo iyo Calaacule oo hoos taga degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Isku-duwaha iyo Xubnaha la socday, ayaa ujeeddada kormeerkoodu ahaa inay soo eegaan xaaladda Beeraha ku yaalla deegaannadaasi, si ay u ogaadaan in waxyeelo ka soo gaadhay Roobabkii waaweynaa ee dhawaan halkaa ka da’ay.

Weftiga Isku-duwaha, ayaa intii ay deegaanadaa ku sugnaayeen, waxay la kulmeen qaar ka mid ah Beeralayda, kuwaasi oo xog-warran ka siiyey xaaladda Beeraha iyo dedaalka ay ugu jiraan kor u qaadidda wax soo-saarka Beeraha.

Isku-duwaha iyo Xubnaha kale ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa diwaangeliyey xogaha ay Beeralaydu uga warrameen ee la xidhiidha horumarka wax soo-saarka iyo baahiyaha jira ee ay doonayaan in Wasaaradda Beeruhu ka taageerto.

Ujeeddada kormeerka, waxa qayb ka ahaa in Wasaaradda Beeruhu xog-ogaal u noqoto in Ayaxa ka soo gudbay Xeebaha Yemen uu halkaasi gaadhay, si loogala dagaalamo inuu Saraca waxyeelo.

…………….

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland