Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Guddaha oo gaadhay Ceerigaabo

Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa waxay gaadheen magaalada Ceerigaabo taas oo maalmihii u dambeeyey shaqaaqo ku dhexmartay koox hubaysan oo ka soo horjeedsatay ciidanka dawladda.

Waran-cadde oo warbaahinta kula hadlay duleedka Ceerigaabo ayaa sheegay in ay dadka degga Ceerigaabo ay ahaayeen kuwii nabad Somaliland ugu hor qaatay.

Ka hor intii aanu gaadhin weftigan uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa waxa gaadhay Ceerigaabo ciidamada RRU oo ka hortaga rabshadaha, loona diro kolba halka ay shiqaaqo ka jirto.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in soo afjaraan shaqaaqadii ka dhacday Ceerigaabo maalintii dhowd.

bandhige@gmail.com