Weftigii Madaxweynaha Somaliland iyo Odayaasha GobolkaTogdheer oo xalay kulan muhiima wada yeeshay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ee ku sugnaa magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco ayaa habeenimadii xalay Guriga Martida, kulan ballaadhan kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer, iyadoo kulankaasi ahaa mid la isku xogwaraystay laguna lafo-guray xaalada guud ee gobolkaas.