Weftigii uu hoggaamiyey Madaxweyne Siilaanyo waxay la kulmeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Ayrland

Madaxweyne Axmed Maxmaed Maxamuud “Siilaany” iyo weftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulan balaadhan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Ayrland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo booqasho ku jooga dalka Ayrland, waxaymunaasibad balaadhan la qaateen bulsho weynta Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Ayrland.

Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta, Caafimaadka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynaha ku wehelinaayay Safarka ayaa Jaaliyada hadalo u jeediyay, Waxayna ugu xogogaal warameen xaalada dalkii hadda maraayo iyo safarka weftigu ku yimi Ayrland, kaas oo ay ku tilamaameen in midho dhal fiican ay isla gaadheen dawladda Ayrland.

Gebo Gebadii Xaflada Waxa hadal ka jeediyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud “Siilaanyo”, ugu horeyn waxa uu Madaxweynuhu mahadnaqay soo dhoweynta balaadhan ee ay jaaliyada Ayrland ku qaabileen weftiga uu hoggaaminaayo.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay dadaal ugu jiraan goob kastana u marayaan sidii Qaranka Somaliland u gaadhi lahaa una heli lahaa aqoonsiga beesha caalamka, wuxuuna Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay guud ahaan shacbiga debadda ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalkii joogaba in ay isku duub nadaan una midoobaan danta dalkooda.

Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Ayrland oo ay booqasho rasmiya ku jogeen, waxaa maanta u soo dhammaaday kulamadii kala duwanaa ee ay la lahaayeen madaxda xukuumadda Ayrland, waxaana la filayaa in Weftiga Madaxweynuhu uga sii gudbaan dalka Ayrland dhinaca Waddanka Ingiriiska.

12067390_10153650817248535_903656853_n 12067162_10153650816058535_1650213628_n

bandhige@gmail.com