Weli Daa’uud Cigaal, Weriye Maxamed Daa’uud iyo Dable Cali Haybe oo si qaran loogu aasay Hargeysa

Agaasimihii Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyadda Weli Daa’uud Cigaal, Maxamed Daa’uud Muuse oo ahaa weriye ka tirsan Horn Cable TV iyo askari ilaalo u ahaa Wasiirka Maaliiyadda oo shalay shil baabuur ku geeriyooday ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naasa-Hablood ee Hargeysa.

Aaska marxuumka waxa ka qayb-galay Madaxweyne-Xigeenka Somaliland, wasiirro, xildhibaano, iyo madax badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo isaga kala yimid gobollada dalka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay cawaysinkii tacsi u diray saddexda marxuum Ilaahayna uga baryay in uu u naxariisto.

Saddexda marxuum ayaa goor dambe oo shalay ah shil halis ah galay kadib markii booyad maqiiqani dusha ka martay meel u dhaxaysa Aw-Barkhadle iyo Hargeysa.

Bandhige@gmail.com