Weligaa ma maqashay warqad jacayl oo sida imtixaanka loo saxay?

 

Ardey dhigta Jaamacad oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa saaxiibtiisii ku celiyay warqad raali gelin ah oo ay u soo dirtay ka dib markii uu u saxay si la mid ah imitaxaan.

Ardeyga ayaa siiyay natiijo ka dib markii uu saxay qaladaadkii isagu uga muuqday warqadda.

Wuxuu ardeygaasi sheegay in uusan ka xumeyn in warqadda ay baraha bulshada ku faaftay.

Nick Lutz ayaa qalin cas ku saxan warqadda oo ahayd raali gelin loo soo diray.

Wuxuu taxliilin ku sameeyay sida ay u qorneyd warqadda oo afar bog ahayd oo ay u soo dirtay gabar jecleyd.

Wuxuu BBC Newsbeat u sheegay:

“Waxaan saaxiibo ahayn sideed bilood.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Afar bilood ka dib waxay bilowday inay telefoonkeeda iga qariso. Waxaan maqlay inay rag kale saaxiib la ahayd.”

Nick oo dhigta jaamacadda Central Florida, wuxuu sheegay in warqadda lasoo gaadhsiiyay waxyar ka dib markii ay saaxiibadii isku dheceen.

Waatan warqadda uu Nick saxay

Sixitaanka wuxuu ku billaabay, “hordhaca wuu dheeryahay, waadna ku soo celcelisay”.

Ardeyga oo 20-sanno jir ah wuxuu doonayay in saaxiibadiisii hore ay sabab u yeesha sadarka ah:

“Waxaad ku guuldareystay in aan ilaaliyo xidhiidhkeenii”.

Wuxuu kale oo ku dul qoray warqadda inuu u baahan yahay inay cadeyso marka ay leedahay:

“Weligey kuma khayaamin.”

“Maalin ayey ii sheegtay in ay gabadh u raaceyso dalxiis, balse wiil kale ayey raacday”, ayuu u sheegay BBC Newsbeat.

“Lama hadlin tan iyo markii arrinta ay dhacday, mana qorsheynayaa in aan la hadlo”, ayuu yidhi.

Bogga labaad, wuxuu saaxiibtiisii hore ka codsaday in ay faafaahiso sadarkan:

“Waan ilaaliyay dhammaan ballanqaadyadii, waanna ka baxay.”

Sidoo kale wuxuu u sheegay inay iska ilaaliso qaladaadka higaada xuruufta, sida ereyadan “loose” iyo “lose”.

Nick ayaa saaxiibtii ka dalbaday inay cadeyso waxa ay ula jeedo “ma jirto sabab aan wax kaaga qariyo, ama been kugu sheego”.

Wuxuu dhinac kaga qoray: “Haddii aysan jirin sabab aad been u sheegto, maxaad runta u sheegi la’dahay?”

Warqadda uu saxay oo uu boggiisa Twitter-ka geliyay waxaa la wadaagay in ka badan 100 kun oo jeer.

“Iyada kuma faraxsana, anna ma fileyn in ay heer intaa la eg gaadho warqadda. Hooyadey ayey la hadashay, aniguse lama hadlin, mana u maleynaayo in aan la hadli doono”, ayuu yidhi.

Xittaa wuxuu u sheegay saaxiibtii in nooca farta qoraalka ee ay isticmaashay ay tahay mid isku dhex yaacsan.

Bogga ugu dambeeyay ee warqadda waxay gabadha ku dhameysay “wan ku jecla ahay”, balse Nick calaamadda su’aal ayuu saaray.

“Haddii aad dooneyso in lagu aamino, cadeyn ku taageer sheegashadaada”, ayuu ugu qoray warqadda dusheeda markii uu saxaayay.

“Sheegasho khiyaanada ah weligeed ma dhicin, naftaada eedee, maxaa kale? ayuu u sheegay saaxiibtiisii hore.

“Sheekadaada way is burineysaa ee dhinac qaado. waxaan jeclahay faafaahin in laga bixiyo waxyaabaha la sheeganayo”.

Halkan hoose ka daalaco warqada uu saxay:

bandhige@gmail.com