WHO ayaa ka jawaabtay hadalkii Trump ku sheegay in uu hayo caddayn ah in fayraska COVID-19 ka fakaday shaybaadh ku yaalla magaalada Wuhan

Trump ayaa khamiista sheegay in uu arkay caddeyn muujineysa in Machadka Wuhan ee Virology uu runtii ahaa isha cudurka, in kasta oo uu diiday in uu faahfaahin ka bixiyo.

Mar wax laga weydiiyay madaxa xaaladaha deg degga ah ee WHO Michael Ryan sheegashada Trump ee in uu hayo caddayn farayska ah wuxuu carabka ku adkeeyay in hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay ay dhagaysteen marar badan saynisyahano badan oo eegay halista fayraska.

WHO ayaa doonaysa in lagu casuumo baaritaanka Shiinaha ee ku saabsan xayawaannada asalka ah ee cudurka, kaas oo muddo bilooyin ku dilay in kabadan 230,000 oo qof oo adduunka ah.

Dhanka kale, madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu sii waday inuu gadaal ka riixo dhaleeceyn kaga timid hay’addiisa, gaar ahaan Trump, kaasoo joojiyay maalgalinta Washington ee hay’adda WHO ka dib markii uu ku eedeeyay hay’adda Qaramada Midoobay inay hoos u dhigeyso halista cudurka dillaaca.

Tedros wuxuu sheegay in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ka dhawaajisay heerka ugu sarreeya ee feejignaanta iyaga oo ku dhawaaqaya in dillaaca COVID-19 uu yahay “xaalad deg deg ah oo caafimaadka bulshada ah oo la xiriirta welwelka caalamiga ah” bishii January markaas oo aanay jirin wax dhimasho ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in wakhtigaas kaliya 82 kiis laga diiwaan galiyay meel ka baxsan Shiinaha.

Bandhige@gmail.com