Wiil uu dhalay Qaddaafi oo la afduubay kadibna la sii daayey

Wiil uu dhalay madaxweynihii keligii taliyaha ahaa ee Liibiya Mucamar Al-Qaddaafi ayaa lagu afduubay Lubnaan hase ahaatee waxa la sii daayey shalay markii muddo kooban la haystay.

Sida wararku tibaaxayaan afduubka Hanibaal Qaddaafi waxa ka dambeeyey koox shiico ah oo hubaysan kuwaas oo ka doonayey in uu sheego halka uu ku dambeeyey imaam Shiico ah oo tobonnaan sanno ka hor la waayey isaga oo jooga Liibiya, imaamkaas oo loo tirinayey in uu ku maqan yahay gacanta sirdoonka Liibiya.

Shalay gelinkii hore ayuu Hanibaal Qaddaafi ka soo muuqday shaashadda Al-Jadiid TV, wuxuna dadweynaha Liibiya ka codsaday in ciddii ka war haysaa ay soo sheegto halka uu imaamkaasi ku dambeeyey.

Hanibaal Qaddaafi markii uu ka soo baxay TV-ga wuxu u muuqday nin la karbaashay. Indhaha hoostooda ayaa madoobayd oo nabaro kaga yaaleen. Laakiin isagu wuxu sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay.

will qaddaafi dhalay oo indhuhu madow yihiin
Hanibaal waxa madow indhaha hoostooda, wuxu u muuqdaa in la karbaashay

Lubnaan muddo aad u dheer lagama jeclayn qoyskii ka talin jiray Liibiya, gaar ahaan Shiicada ayaa aad u neceb. Waxana sababay kadib markii Mucamar Al-Qaddaafi uu 1978-kii ka mastaafuriyey Shiico tiro badan dalkiisa, kuwaas oo ay ku jiraan sheekha caanka ah ee Muqtada Al-Sadar.

Hanibaal wuxu dhashay 1975-kii. Markii xukuumaddii aabihii la burburiyey 2011-kii ayaa isaga, hooyadii iyo gabadh ay walaalo yihiin ay nafta kula carareen waddanka ay jaarka yihiin ee Aljeeriya.

Bandhige@gmail.com