Wiil uu dhalay Marxuum Cawke oo buuxiyey shaqadii aabihii, Wasiir Cukuse oo xafiiskiisa ku qaabily

Iyadoo weli lagu gudo-jiro baroordiiqdii Marxuum Axmed Xasan-Cawke ayaa Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” wuxu xafiiskiisa ku qabilay xubno ka mid ah carruurtii Axmed Xasan Cawke.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim, Horn Cable TV.

Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse’ wuxu sheegay in Sakariye oo ah kan ugu yar carruurtii uu ka tagay marxuumku uu ka hawlgeli doono telefishanka qaranka qaybtiisa London isla markaana uu barbar wadi doono waxbarashadiisa isagoo caafimaadka ka barta waddankaas.

Sidoo kale Cukuse wuxu mushaharkii bishii Oktoobar oo marxuumku ka geeriyooday ku wareejiyey Canab Xasan-Cawke oo ahayd gabadha kaliya ee la dhalatay marxuumka.

Sakariye Axmed ayaa dhawaan intii uu aabihii noolaa ka soo muuqday shaashadaha qaarkood iyadoo uu shaaciyey in uu bahda saxaafadda ku soo biiray.

Bandhige wuxu Sakariye u rajaynayaa in uu noqdo kii aabihii beddela.

Hoos ka daawo muuqaalka kulanka Cukuse ku qaabilay carruurta Ilma Axmed Xasan-Cawke.

Bandhige@gmail.com