Wiilka uu soddoga u yahay Trump ayaa ka cadhooday qaraar ay Golaha Ammaanka keentay Kuwayd

Jared Kushner oo uu soddog u yahay Madaxweynaha Maraykanku ahna ergayga Maraykanka u qaabilsan bariga dhexe ayaa la sheegay in uu si xun uga cadhooday qaraar ay Golaha Ammaanka hor keentay Kuwayd kaas oo la doonayey in lagu badbaadiyo dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool Qasa oo ay xukuumadda Yuhuuddu ay dad tiro badan ka laysay toddobaadyadii ugu dambeeyey.

Qaraarkaas oo uu Maraykanku codka qayaxan ee veto ku dhuftay sidaana ku dhicisoobay ayaa sumcad-xumo u soo jiiday Maraykanka iyadoo cidda kali ah ee ka codaysay ay ahayd xukuumadda Maraykanka.

Kushner ayaa kulan shan daqiiqo ah la qaatay safiirka Kuwayd u fadhiya Maraykanka Salem Abdullah al-Jaber al-Sabah wuxuuna u sheegay sida uu uga cadhooday tallaabada ay Kuwayd ku dhaqaaqday.

Kushner wuxu u sheegay safiirka in uu Masar iyo Sucuudi Carabiya kala shaqaynayey war-saxaafadeed ay wadajir Maraykanka iyo Carabtu u soo saari lahaayeen oo arrintaas ku aaddan, laakiin ay Kuwayd ka hor dhacday.

Kushner ayaa ka sokow in uu ka mid yahay qoyska Trump wuxu yahay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga dhexe isla markaana waa la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Trump. Da’diisu waa 37 jir, waxaanu qabaa Ivanka Trump oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha Maraykanku.

Bandhige@gmail.com