Xaaji Cabdi-Waraabe oo dalka ku soo laabtay caafimaadkiisa oo fiican

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo masuuliyiin kala duwan ayaa Maddaarka Caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen “Cabdiwaraabe” oo dalka uga maqnaa xaalad caafimaad muddo 8 maalmood ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Xaaji Cabdikariim Xuseen “Cabdi-Waraabe” isaga oo caafimaadkiisu fiican yahay oo lugihiisa ku socda uu ku soo laabtay dalka, wuxuna ka war bixiyey xaaladdiisa caafimaad sidoo kalena wuxu mahadnaq balaadhana u jeediyey cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo geyn lagaa dhakhtar dibadeed. Xaajigu waxa kale oo uu  u mahadnaqay dhakhaatiirtii u dedaashay intii uu ku sugnaa cusbitaalka iyo dadweynihii ka war hayey xaaladdiisa ee la soo xidhiidhayay wakhti walba.

Xaaji Cabdikariin oo soo noqoshadiisa ka hadlayey ayaa yidhi:

“Aadbaan u wanaag-sanahay dhakhaatiir wanaagsan ayaan ka helay Addis-ababa aadna waa laygu shaqeeyey si  binu-aadanimo ah, aad-baan ugu ladnaaday, garaacii iyo xumaediiba way iga jabeen, xanuunka jileeciisii uunbaa i haya iyo gabbow.”

Xaaji Cabdikariim wuxu intaa raaciyey “Nabadgelyana Alle waa igu geeyey nabadgelyana waa igaga soo celiyey, dadkii joogayna Alle ha nabadgeliyo, waa salaanta sharciga ah ayaan salaamayaa, Dhakhtaradii iyo Hotelkii iyo dadkii odayaashii iyo ummaddii ishaqaynaysay ee i soo salaantayna salaanta sharciga ah ayaan u dirayaa alle ha nabadgeliyo, Asalaamu calaykum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu.”

Xaaji Cabdi-Waraabe oo la sheego in ay da’diisu kor u dhaaftay 100 sanno wuxu ka mid yahay Golaha Guurtida Somaliland waxana lagu xusuustaa in uu si weyn uga soo qayb-qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii qaranka Somaliland.

Bandhige@gmail.com