Xaaji Cabdi Waraabe oo loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta

????????????????????????????????????

Xaaji Cabdikariim Xuseen “Cabdi Waraabe” oo hore xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Itoobiya, ayaa waxa maanta loogu qaaday Xaajiga xaalad caafimaad oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka dawladda Imaaraadka lagu soo daweeyo Xaajiga oo ay iyaguna ka aqbaleen.

Safarka Xaajiga waxa ku weheliya safiirka Imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cawil Cumar.

Safarkan ayey ujeedadiisu ahayd Xaalad caafimaad oo Xaaji Cabdikariim iyo sidii Xaajigu wax uga ogaan lahaa xaaladiisa caafimaad oo hada maraysa halkii ugu wanaagsanayd ayaa la filaayo in uu halkaasi u tago shaybaadh guud iyo in uu la socdo caafimaadkiisa wakhtigan.

Waxa halkaa ka hadlay Xaaji Cabdikariim, oo ugu horayn u mahadnaqay Madaxweynaha, Safiirka iyo Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxa isna faahfaahin ka bixiyey Safarka Xaajiga Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo isna ka hadlay doorka madaxweynuhu ku leeyahay in xaajiga loo qaado Imaaraadka iyo in xaalada xaajigu tahay taam wakhtigan Allena uu uga rajaynayaa inuu u siyaadiyo Caafimaadka.

bandhige@gmail.com