Xaajo ugub ah: Wasiir hore oo qirtay arrin lama filaan ah

Wasiirkii hore ee wasaaradda boostaha iyo isgaarsiinta ee Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo horay wasiir uga soo noqday xukuumaddii madaxweynihii hore ee Somalilnad, Axmed Silanyo ayaa ka hadlay arrin aan horay looga war heyn xaqiiqdeeda.

Maxamed jaamac oo la hadlayay telefishanada maxaliga ee ka howgala Somaliland ayaa sheegay inuusan waxba qarsan karin, oo xanuunadii uu ka qaaday lacagihii uu lunsaday intii uu ahaa wasiirka wasaaradda boostaha iyo isgaarsiinta uu iminka ku howlan yahay sidii uu isaga daweyn lahaa.

“Kolka lagu yiraahdo xil wasiir ayaad heysaa, mushaarka iyo lacagaha aad xaqa u leedahay ee dowladda kuugu qoran macal marka lagu daro gunnada waxay noqoneysaa 1,500 oo doolar iyo wax noocaasi ah, dabadeedna waxaa laguu dhiibayaa miisaaniyad lacag walba ay ku qoran tahay oo shaqo gaar ah ay tahay in lagu qabto, kun iyo shan boqol xaaladda aan ku jirno iyo dalka sida uu yahay iyo baahida jirta, dabcan ma kaafineyso, 1 doolar na ha ahaate waxa meeshaasi kaa soo gala waaa xaaraan”. Ayuu yiri wasiir Maxamed Jaamac.

Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in marka uu sannad shaqeeyay uu xanuunsaday oo uu dhakhtarkii uu tagay ku yiri kallida ayuu dhagax kaaga jiraa.

Waxaa uu intaa raaciyay in sannadkii labaad uu mar kale xanuunsaday, kadibna markii uu tagay dhakhtarka lagu yiri waxaad qabtaa dhiig-kar.

Sannadkii saddexaad oo uu shaqeynayay ayuu sheegay in mar kale xanuunsday, markii uu tagay dhaqtarka na lagu yiri wadnahaaga sidii la rabay uma shaqeynayo.

“Macnaha waxaa weeye wax ka badan mushaarkii aad xaqqa u laheyd ee laguu qoray ee aad ku shaqeyneesay ayaa kusoo galay, waa xaraaan, xaarantii hore ilaahay ha iga cafiyo, mana doonayo xil dambe oo aan loo heynin wixii aad ku shaqeeneysay oo kuugu filan”. Ayuu raaciyay.

Inkastoo ay adagtahay in la arko qof lunsaday hanti dadweyne, hadana usoo bandhigaya dadweynaha, misana dalbanaya cafis ayaa dadka qaar ee adeegsada baraha bulshada waxaa ay aaminsan yihiin in isla xisaabtan dhab ah uu meesha ka maqan yahay.

Xigasho:- BBC Somali.

Bandhige@gmail.com