“Xaalada Gobolka Togdheer waa xaalad degan, oo aan maanta mid khatar ah ama laga wer wero, waxay u baahan tahay xakamayn, daaweyn iyo wacyi gelin” Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi

 

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay galabta socdaal ku gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeeda socdaalkooda.

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in xaalada gobolka Togdheer ay tahay mid gacanta dawlladda ku jirta oo aan werwer badan lahayn, Wasiirka ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxaanu yidhi:

“Waxaannu maanta booqasho hawleed oo rasmi ah ku nimid xarunta gobolka Togdheer ee Burco, wefti balaadhan oo ka kooban xubno wasiiro ah, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyo gudoomiye ku xigeenka, Wasiiradana ay ka mid yihiin wasiirka waxbarashada, wasiirka Maaliyada, iyo wasiiru dawlaha ganacsiga.”

Isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi;

“Weftigaas ujeedadiisu waxay ahayd gurmad ku aadan xaalada gobolka Togdheer ka jirtay maalmahan iyo xanuunka, waxaannu halkan u nimid gurmad iyo gargaar, annaga oo taas ka duulayna waxaannu caawa shir la yeelanay madaxdii kala duwanayd gaar ahaan hawl-wadeenada wasaarada caafimaadka, dhakhaatiirkii, aqoonyahanadii oo uu wasiirku hor-kacayo, maamulkii gobolka, golahadii deegaanka uu duqa magaaladu kor kacayo, shir weyn oo qiimo badan ayuu ahaa, shirkaa waa laysku xogwaraystay, waxana laga hadlay xaalada iyo heerka uu xanuunkani ka marayo gobolka, waxa layska waraystay talaabooyinka inala gudboon inaynu qaadno wakhtigan dhaw iyo wakhtiga fog labadaba, waxyaabahaas oo dhan shirkaa caawaa lagu kala bogtay talooyin iyo go’aamo aad u loxdan ayaana ka soo baxay dhamaantoodna hadii Alle ka dhigo beri ayaanu baahin doonaa.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa intaasi ku daray:

“Xaalada gobolka Togdheer waa xaalad degan, oo aan maanta ahayn mid khatar ah ama lagga werwero, waxay u baahan tahay xakamayn, daaweyn iyo wacyi galin, xukuumad ahaana taas ayaanu wadnaa.” 

bandhige@gmail.com