Xabaal wadareed laga helay Biyo Shiinaha

Waxa maaanta aas wadareed loogu sameeyey 42 marxuun oo laga helay xabaal wadareed ku taal agagaarka kaamka Biyo Shiinaha oo ay ka socotay qodista beebabka biyo balaadhinta Hargeysa.

Dadkan ayaa ka mid ah shacabkii ay xasuuqday ciidamadii dawladdi Siyaad Barre.

Aas qaran oo loo sameeyey ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirada Caddaaladda, Warshadaha, Maayirka Caasimada, Guddomiyaha Xafiiska Baadhista xasuuqa, Culimo ka tirsan Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, Sheekh Aadan Siiro iyo Masuuliyiin kale oo badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan.

Masuuliyiintan ka hadlay aaska loo sameeyey meydadka laga xabaal wadareedkan ayaa ku dheeraaday murugada ay leedahay dhacdadan iyo xasuusta arxan darradii maamulkii Siyaad Barre. Xukuumadda ayaa marar badan soo bandhigtay xabaalo wadareedyo la helay, kuwaasi oo marag ka ah sida uu maamulkii kali taliska ahaa ula dhaqmay Somaliland.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Ibraahin Siyaad Yoonis, Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa oo sharaxay siday u heleen xabaasha:

“Waxaanu bilawnay biyo balaadhintii Hargeysa, markaa halkii beebka la marin lahaa ayaanu ku aragnay kuus yar oo aan xabaal u eekayn laakiin, meel yar oo ciidi tuulan tahay ah, markaa dadkii degaanka ayaa yidhi meeshaasi dad baa ku aasan oo marar bay lafahaasi soo baxaan, kadib waxaanu samaynay inaanu la xidhiidhno wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo guddida xasuuqa”.

Sidoo kale waxa ka hadlay aaskan Sheekh Aadan Siiro, ayaa isna sheegay in sida xasuustu tilmaamayso ay dadkaasi leeyihiin Janno, maadaama iyagoo aan hubaysnayn si xaq darro ah loo dilay. Waxa uu sheegay inay yihiin caruurtii iyo maatidii ka cararayay dumintii Hargeysa lagu samaynayay.

Gebo gebadii waxa ka hadlay Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi:

“Maydadkaa 42-ka ah ee aynu dul taagannahay maanta ee sida gar darrada ah loo laayay ee laga soo qoday intii beebkaas magaalada lagu sii wadaa ku hagaagay iyadoon hareereheedii la dayin waxay calaamad yar uun ka tahay dalka wixii ka dhacay”.

Maaha markii koowaad ee la helo xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dad intaa leegi, waxa marar badan la helay dad badan oo si arxan darro ah loo dilay. Dawladdi Siyaad Barre ayaa xasuuq weyn u gaysatay dadkii ku dhaqnaa Gobolada Somaliland.

aas aas-xabaalo-la-helay-oo-dib-loo-aasay

bandhige@gmail.com