Xabsiga Dhexe ee Berbera oo Dib u Haybayn iyo Dayactir lagu Sameeyay

Wasaaradda cadaaladda Somaliland iyo taliska ciidanka asluubta oo iskaashanaya ayaa dib u habayn iyo dayactir ku sameeyay xabsiga dhexe ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ย kaas oo muddooyinkii u danbeeyay baaqyo kala duwan oo la xidhiidha sidii loo qabyo tirilaha ay ka soo baxayeen.

Wasiirka wasaaradda horumarinta cadaalada Somaliland, Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay markasta gacan weyn ka gaysato dib u haybta iyo dayactirka jeelasha kala duwna ee dalka.

Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland, sarreeya guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax),ย  ayaa sheegay in ay farxadweyn u tahay in uu goob joog u noqdo dib u dhiska lagu sameynayo Xabsiga dhexe ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waxaanu yidhi.โ€œMaanta(shalay) waxa aanu halkan u nimid in la hagaajiyo oo muwaadinka xidhan ee ilamidka ahi ku noolaan karo, cidkasta oo gacan ka gaysanaysa dhib u dhiska xabsiga dhexe ee Berbera waanu uga mahad celinaynaa, nina korkiisa biyo kama hagrado ee wixii aad ka hagrato naftaada ayaad ka hagratayโ€

Wasiirka cadaalada oo ka hadlay dib u dhiska jeelkani lagu sameeyay waxa uu yidhi.โ€œMarkaan u soo noqdo dib u dhiskan aynu maanta ku sameynayno xabsiga dhexe ee magaalada Berbera hawshaasi muddo ayay soo socotay, wax ka qabadka jeelasha uguma horrayso markii koobaad ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wax ka qabato.

Manaโ€™aha markii koobaad ee hayโ€™addaha aynu iskaashiga la leenahay aynu iskaashi ka sameyno, waad ogaydeen waxa la dhisay jeelka magaalada Hargeysa, oo maanta ay ku jirto maxaabiis tiro badan, waxaad ogaydeen in jeelka Burco oo xukuumaddu dhammaan Bajadkiisa bixisay, in maanta lagu dhaqmayo oo maxaabiis badani ku jirto, in uu imika dhammaaday jeelkii labaad ee caasimadu oo degaanka Halayo ahโ€

xigasho: Wargeyska Dawan

bandhige@gmail.com