Xadhiga Weriyaha SaabTv ma yahay mid sharci ah oo maxkamadu ogolaatay?

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa la sheegay inay maxkamada sharciga u leh u mareen soo qabashada & xadhiga weriye Cali Fahad Jaamac, ka dib markuu baraha bulshada ku baahiyey war aan xaqiiq ahayn.

Werie Cali Fahad, oo ka tirsan Telefishanka SaabTV ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook 6dii bishan (doraad) ku sheegay in gaadhi Booliiska Somaliland leeyahay ku jiidhay gaadhi shicib ah, kaasoo burbur gaadhsiiyey, isla markaana direwalkii oo suuxay uu gaadhigii Booliisku goobta ka cararay?

Weriye Cali Fahad ayaa raaciyey fariintiisa, inay “taasi qeyb ka tahay dulmiga joogtada ah ee ciidanka Booliisku u geystaan shacabka.

Dhinaca kale, ilo lagu kalsoon yahay oo Booliiska Somaliland ayaa u xaqiijiey weriye Maxamuud Walaaleye,  in weriye Cali Fahad loo hasto  sumcad dilis uu ula badheedhay  sharafta Ciidanka Booliiska, isla markaana xadhigiisa loo maray sifahii sharciga, maxkamad awood u lehna soo saartay waaranka qabashadiisa.

Xogaha ayaa intaa ku daray in shilka gaadhiga Booliiska iyo ka shicibku uu dhacay, markii ciidankii Taraafigu cabiray, khaladkii uu yeeshay, gaadhiga Booliisku, halkaa oo Ciidanka Booliisku dhakhtar ku geeyey direwalkii, waxii burbur soo gaadhay gaadhiga shicibkana loo sameeyey.

Ciidanka Booliiska ayaa xogahu sheegeen inay ku hastaan weriye Cali Fahad inuu  been ka sheegay in gaadhigii falka gestay ee booliisku goobta ka baxsaday, isla markaana ula-kac ku sumad dilayey ciidanka booliiska sharaftiisa, isagoo sheegay inay qeyb ka tahay dulmiga joogta ah ee ay ku hayaan shacabka, caddeynteedana laga doonayo.