Xaflad lagu taageerayo Xoghaya cusub ee Dawladda ee Hoose Hargeysa oo Hadhwanaag lagu qabtay  

Xaflad lagu taageero Xoghaya Dawladda Hoose ee Hargeysa  ee uu dhowaan magacaabay Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Xafladan ayaa isku jirtay taageer iyo dhiiri gelin ay dhiiri gelinayaa Xoghaya cusub ee Axmed Maxamed Abdilaahi “Derejo” oo ah nin dhallinyaro oo isku darsaday daacadnimo iyo akhlaaq wanaag waa siday hadalka u dhigeen.

Waxgarad badan oo ka hadlay xafladan ayaa waxay soo dhoweeyeen Xogyaha cusub, sidoo kale waxay sii sagootiyeen Xogyahii hore oo ay sheegeen in uu ahaan nin karti badan, inkastoo aan labada masuul xilka la kala wareeginta.

Dhinaca kale waxgaradani waxay hambalyo u direen xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sifeeyeen mid dhallinyarada taageerta iyo horumarka.

bandhige@gmail.com