Xaflad weyn ayaa lagu soo xidhay sannad-dugsiyeedkii dugsiga dhexe ee boodhinka degmada Sallaxley

Xaflad heer sare ah oo ay ka-qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen maayarka Sallaxley Shiine Tahar, Guddoomiyaha ururka Gaaroodi Maxamed Aadan Cumar , Guddoomiyaha Waxbarashada ee Sallaxley, macalimiin, waalidiin, iyo ardayda dugsigaasi ayaa lagu soo xidhay sannad-dugsiyeedkii dugsiga dhexe ee boodhinka ah ee Sallaxley.

Mustafe Cismaan Xasan, Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sallaxley, oo jeediyey hadalkii furitaanka ee xafladda, wuxu ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu u leedahay aadamaha, wuxuna sheegay in sababta ay xafladdan ballaadhan u qabteen ay tahay in ay dhiirigeliyaan ardaydii dedaalka muujisay kaalmaha wannaagsanna ka gashay imtixaannadii sannad-dugsiyeedkan dhammaaday.

“Waxbarashadu waa furaha nolosha. Sidaas daraadeed munaasibaddani waa mid aanu ardayda iyo macalimiintaba ku dhiirigelinayno in ay waxbarashada kor u sii qaadaan.”

Xaflad dugsi sallaxley4

Duqa Degmada Sallaxley Shiine Tahar wuxu ammaanay wax-qabadka ururka Gaaroodi ka wado deegaanka, gaar ahaan dhinaca waxbarashada, wuxuna sheegay in ay ugu magac-dari doonaan xaafad ka mid ah Sallaxley.

“Ururka Gaaroodi muddo dheer ayuu gacanta ku soo hayey waxbarashada deegaanka, walina gacanta ayay ku hayaan. Waxanu ugu abaalgudi doonaa xaafad ka mid ah magaallada oo aanu ugu magac-darayno” ayuu yidhi Shiine Tahar.

Guddoomiyuhu wuxu bogaadiyey ardaydii kaalmaha hore ku guuleysatay.

Xaflad dugsi sallaxley6

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta ee Gaaroodi Maxamed Aadan Cumar wuxu isaguna sheegay in ururkoodu ku faraxsan yahay ardaydan qallinjabisay.

“Waanu ku faraxsanahay tacabkayagii in uu midho-dhalay, qurbe-joogga deegaankana waxa aan leeyahay tacabkiinii wuu guulaystay ee sidaas ula socda” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gaaroodi.

Dugsiga Dhexe ee boodhinka ah ee Sallaxley waa kii koowaad ee laga hirgeliyo Somaliland ee ay gacanta ku hayaan bulshadu. Waana dugsi ay bulshadu leedahay oo aan ahayn gacansi gaar loo leeyahay ama mid dawladeed, maamulkiisana waxa gacanta ku haya Gaaroodi iyadoo jaalliyadaha qurbuhuna ka qayb-qaataan maalgelintiisa.

Xaflad dugsi sallaxley2

 

Xaflad dugsi sallaxley5

bandhige@gmail.com