Xafladda loo qabtay qurbe-joogga Somaliland dhiirigelin ma u noqon kartaa tahriibka?

Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ayaa xaalay xaflad ay qurbe-joogtu isku arkeen ku qabatay Guuleed Huteel halkaas oo khudbado, ciyaaraha dhaqanka iyo kuwa qoob-ka-ciyaarka ah intaba lagaga dhargay isla markaana la soo kireeyey fannaaniin si fiican goobta uga tunta.

Sida uu tibaaxay weriye ka tirsan Bandhige oo munaasibadda goobjoog ka ahaa, waxa xafladda ka soo-qayb-ggalay in ka badan 2000 oo qof oo ka kala yimid dunida dacalladeeda.

Ujeeddada ay xukuumaddu xafladdan u qabato ayaa lagu sheegay dhiirigelinta qurbe-joogga. Hase ahaatee waxay dood ka dhex dhalisay bulshada dhexdeeda iyadoo baraha bulshadu ku wada xidhiidho aad loogu qaadaa-dhigay.

Dad badan ayaa xukuumadda dhalliilo ugu soo jeediyey in xafladdani ay ku soo beegan tahay wakhti uu dalku abaaro iyo biyo-dhaamis ku jiro, sidaas darteedna ay ku habboonayd in aan xiligan la qaban. Mid ka mid ah dadka xafladdan ka biyo-diiday oo Bandhige wax ka waydiiyey fikirkiisa ayaa yidhi:

“Lacagtan lagu khasaariyey fannaaniinta iyo qoob-ka-ciyaarka waxa dhaami lahayd iyadoo jareekaano biyo ah loogu dhaamiyo dadkan harraadka u bakhtiyaya ee maalin walba idaacaduhu naxdintooda werinayaan.”

Dad kale oo dhallinyaro u badani waxay iyaguna ku doodayaan in xafladdani ay ka soo horjeeddo istiraatijiyadda ay xukuumaddu kula dagaalamayso tahriibka isla markaana ay si dadban u dhiirigelinayso in dhallinyaradu suudal-dhaqaaqaan. Haddii xaflado sidan u waaweyn loo qabto qurbe-joogga dhallinyarada laguma qancin doono tahriibka ka jooga ayay yidhaahdeen.

Hal-ku-dhgeyada arrinkan loo adeegsaday ee lagu wadaagay baraha warbaahinta bulshada ee internet-ka waxa ka mid ah

“Tahriibaya maanta, qurbaha jooga beritoole, masuul noqonayaa sahandambe.”

Sannadkii hore ayaa xafladda qurbe-joogtu dood tan oo kale ah abuurtay iyadoo ay dhallinyarada fikradahooga ku cabireen maqaallo ay ka mid ahaayeen kii loogu magac-daray “Madaxweyne nool naga bixi waanu tahriibaynaaye.”

Hase ahaatee xukuumadda ayaa aaminsan in qurbe-joogga Somaliland si soo-dhawayn loo dareensiiyo ay lagama-maarmaan tahay in xafladdan oo kale loo qabto wakhtiga xagaaga marka ay dalka fasaxa ku yimaadaan.

Akhriste, adigu labada doodood tee baad la haysaa?

bandhige@gmail.com