Xamarji waxa uu ka hadlay xadhiga Muniir Axmed Cigaal

Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarji oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay xadhiga Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo maalintii todobaad ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa.

Xamarji ayaa xadhiga Muniir Axmed Cigaal ku sheegay innuu yahay mid siyaasi ah oo aan la xidhiidhin kiiska lagu soo oogay, waxaana uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen wasiirrada ka soo jeeda beesha Bariga Burco oo uu ku sheegay qaar had iyo jeer isa saara masuuliyad iyo culays aan la saarin, isagoo ku tilmaamay inay gubanayaan haddii ay arkaan qof beeshaas ka soo jeeda oo xisbi kale ku biirey, waxaana uu xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Waaxda garsoorka ugu baaqay in ay xorriyadiisa u soo celiyaan Muniir Axmed Cigaal, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu xalay waraysi siinayay wargayska Somalilandtoday.

Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarje oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Somaliland saddex xisbi qaran ayaa ka jiray, saddexda xisbiba waa walaalo, anigu markii aan yaraa waxaan ka talaabay cabudhinta, xadhiga, cunfiga iyo in qofka xorriyadiisa laga qaado, iminkana sidii ayaan aamisanahay oo aan doonayaa inaan dadka la cabudhin, Xadhiga Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan madaxda xisbiga Waddani waa xadhig siyaasi ah oo waxaanu qabin dusha laga saaray, Hotel Xaraf ayay laba nin isku dileen sida caadiga ah ee maalin walba dhacda, waxaa dhacay labadii nin ee is dilay lama doonanin ee Muniir Axmed Cigaal oo aan meeshaba joogin oo aan war iyo wacaal u haynin oo sidaad ogtihiin ka dhaartay oo Facebook-giisa ku soo qoray oo odayaal waaweyn oo 70 jiro ah oo Daahir Warsame Yuusuf oo siyaasiyiinta waaweyn ka mid ah aad saxaafadda ku arkayseen uu ka furay iyo dad badan oo Hudheel Xaraf joogay oo sheegaya inaanu Muniir meeshaba joogin, ayaa isaga la doontay saldhiga ayaa looga yeedhay habeenimadii, subixii ayaa hadana lagu yidhi kaalay, subixii khamiista ahayd isagoo sii dhoofaya oo reerkiisii u fasax tagaya ayaa la soo xidhay, walina jeelka ayuu si sharci darro ah ugu jiraa laba jeer ayaa maxkamadda la hor geeyey labadii jeerba cadaymo ku filan boolisku may keenin waxay ku haystaana may cadaynin, waxaa markaa muuqanaysa in xadhigiisa Madaxtooyada laga soo amray waliba waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan oo talo kasta oo uu baarlamaanka siin jirayna lagu jabi jiray, tan uu iminka Madaxtooyada siiyona lagu jabo ayaa xadhigan daba ka riixaya xitaa waxaa igu maqaalo ah in inankii kale ee ay inanka xanuunsanaya is laayeen oo isla deegaanka Cali ah inuu marba hudheelada kala baxayo odayaashii inanka, markaa xadhigaasi waa xadhig siyaasi ah, xadhiga siyaasiga ah sideedaba waxaan cunfi iyo kala fogaansho ahayn ma keeno, saddexda xisbi way tartamayan saddex-daba dad kala deegaan ah baa ku jira, Muniirna wax kale looma haysto shalay markii uu Kulmiye ku jirayba lama xidhaynin ee maxaad Waddani saraakiishiisa uga mid noqotay ayaa lagu haystaa, isagoo ah runtii nin saxafi ah oo muuqanaya oo ragga haldoorka ah ee xisbiga, markaa waxaan u soo jeedinayaa wasiirada iyo ragga kale ee xisbiga Kulmiye in xadhiga siyaasiga ah uu yahay kii aynu ka dagaalanay, in tacadiga siyaasiga ahi uu yahay kii dalkan u horseeday halaagga , inuu yahay kii shalay Kulmiye ka cabaadayay ee uu meel walba la taagan yahay, inaan mar dambe lagu celin, xadhiga Muniir-na waxaan cadaynayaa in uu yahay mid siyaasi ah oo ay ka ku lug leeyihiin wasiirrada bariga Burco, oo runtii culays aan la saarin isa saara oo haddii ay arkaan qof reerkooda ah oo xisbiyada kale ku jira dhib dareemaya, bahda garsoorka waxaan leeyahay waar qofka haddii la soo eedeeyo yaan todobo casho iyo sideed casho saldhiga qof la iskaga haysanin iyadoon maxkamaddu waxba ku cadayn.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi;

“Sidii hore uu xisbigu u cambaareeyey ayaan aniguna xadhiga Muniir Axmed Cigaal u cambaaraynayaa, waana wanjal aan meelna loogu soo gaban oo islaamnimada ku xun oo masuuliyadda ay hayaan ku xun, laba nin oo meel isku dilay in nin aan ogayn oo aan joogin oo umaddii sheegayso oo isagii ka dhaaranayo in la eedeeyo oo aan xitaa inanki kale ee xanuunsanayay aan la odhan markhaatiyaal keeno waa arrin layaableh, dalkuna wixii uu ka dagaalamay ha ku celinina ayaan leeyahay, xadhiga iyo cunfiga siyaasiga ahina waa kii uu shalay Muuse Biixi ka hadlayay ee uu lahaa waxba tari maayo maanta inuu isagii taleefoono soo diro oo uu yidhaahdo hebel xidha runti shacabka wer-wer ayay ku beeraysaa, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin Somalilandtoday”.

bandhige@gmail.com