Xarunta Xuquuqal iinsaanku waxay Cambaraynaysa xadhiga labada musharax

Warsaxaafadeed

17 February 2021- Xarunta Xuquuqal Iinsaanku, waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysa inay si dhaqso ah xoriyadooda ugusoo celiso, labada musharax mucaarad ee  xidhan.

On 8 February, 2021, waxay bilays ka Somalililand xidheen laba siyaasi oo ah musharixiin ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Ucid.

Raage Ahmed Yuusuf iyo Maxamed Ahmed Jaamac Dhadoon, oo u kala sharaxan Golaha Wakiilalada iyo Golaha Deegaanka Hargeisa, ayaa la xidhay On 8 February, 2021.

Xadhigooda looma marin habsharciga waafaqsan, eheladooda ayaa Xarunta u xaqiijiyay in sababta siyaasiyiintan loo xidhay ay tahay si looga joojiyo inay isku soo sharaxaan doorashooyin ka soosocda.

Majiro danbi lagusoo eedeeyay, xadhiga labadan musharax waxa uu lidi ku yahay Dastuurka Jamuriyada Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal iinsaanka.

Sida ku cad Dastuurka Somaliland Qodobka 22 (1) “Muwaadin kastaa waxa uu xaq u lee yahay inuu ka qayb galo howlaha siyaasadeed,dhaqaale ama bulsho”.

waxa maxkamada la horkeenay 10 February iyada oo la rumaan gareyay todoba cisho, hada waxay ku xidhan yihiin xabsiga Mandheera, waana loo diiday inay ehelkoodu booqdaan ama la kulmaan.

Sidoo kale Qodobka 27 (1) ee Dastuurka “Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq uleeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qarenkiisa, qaraabadiisa ama cida kale ee uu codsado.”

Xaruntu waxa ay aad uga walaacsan tahay, habka guracan ee dowladu dadka u xidho, iyo dhowrid la aanta mabadiida sharci ee dalka.

Xaruntu waxay dowlada Somaliland ugu baaqaysa inay si dhaqso ah xorriyadooda ugusoo celiso labada siyaasi ee xidhan.

Yaasmiin Cumar Xaji Moxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland