Xarunta Xuquuqal Insaanka oo cambaaraysay xukunka suxufi Maxamed Aadan Dirir

 

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay 8-dii October 2017 ku xukuntay suxufi Maxamed Aadan Dirir hal sano iyo lix bilood oo xadhig ah. Garsooraha dacwadda qaaday Axmed Dalmar Ismaaciil wuxuu dhegaystayย  dacwad ciqaab ah oo ka dhan ah Dirir iyada oo aanu joogin qareenkisii iyo qoyskiisii tooni. Isla maalintii ayuu garsooruhu ku dhawaaqay xukunka.

Qareenka Dirir lama ogaysiin maalinta dacwadda la qaadayo islamarkaana qoyskiisa lama ogaysiin, sida ay noo xaqiijiyeen qareenkiisa Mubaarik Cabdi iyo xubno qoyska Dirir ah.

Maxamed Aadan Dirir waxa la xidhay 16-kii September 2017. Waxa lagu eedeeyey sumcad dilid iyo faafin war been abuur ah oo la xidhiidha qoraalo la sheegay inay ku eedeeyeen dugsiga gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin in falal anshaxa ka baxsan lagula dhaqmo hablaha ardayda ka ah.

Xaruntu waxa aad uga nixiyay sida ay u qaaday Maxkamaddu dacwada. Waxa la waasiiyay Dirir xuquuqdiisa aasaasiga ah ee ah inuu helo dacwad dhegaysi xaq ah sida ku cad Dastuurka iyo Xeerka Habka Ciqaabta. Sida ku cad qodobada 27 iyo 28aad ee Dastuurka wuxuu xaq u lahaa inuu helo qareen iyo inuu is difaaco.

Sida degdegga ah ee qarsoodiga ah ee dacwadda loo qaaday waa dhaqan aan la aqbali karin oo werwer leh. In dacwadaha warbaahinta laga dhigo ciqaab maaha xal, waxaayna ka soo horjeedda dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Maxamed Adan Dirir.

Guleed Axmed Jaamac

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

bandhige@gmail.com