Xarunta Xuquuqal Insaanka oo shir-saxaafadeed Ka soo saartay dilkii wiil dhallinyaro oo askari ku dhex toogtay saldhig dhexdiis

Xarunta Xuquuqal Insaanka ayaa shir-saxaafadeed ka soo saaray maxbuus u dhintey dhaawac ka soo gaadhay askari ku dhex toogtay saldhiga Ibraahim Koodbuur.

Shir-saxaafadeedkan ay soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa uu dhignaa sidan:

War-saxaafadeed

Somaliland: Maxbuus baa u dhintay dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku riday askari booliis ah

14kii Ogos 2015 abaaro 6:00 ilaa 6:30 arooryo Axmed Dayib Cabdi oo 22 jir ahaa waxa soo gaadhay dhaawac ka dhashay rasaas uu ku furay askari booliis ahi qol ay ku jireen maxaabiis ku xidhnaa saldhigga Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa, sida ay u xaqiijiyeen Xarunta Xuquuqal Insaanka dad goob joog ahaa. Sida ay sheegeen warbixinada caafimaad iyo dad goob joog ahaa, Axmed waxa ku dhacay lix xabadood. Wuxuu u dhintay 15kii August dhaawicii soo gaadhay.

Sida goob joogayaashu sheegeen, laba ka mid ah dadkii qolka ku xidhnaa ayaa gacan ka hadal dhex maray. Mid ka mid ah ayaa garaacay albaabka oo codsaday in laga celiyo ka kale. Askarigii ilaalinayey ayaa u yimi oo ku amray inay joojiyeen dagaalka dibna isaga noqday isaga oo aan furin albaabka. Dhawr daqiiqadood ka dib isla maxbuuskii baa qayliyay. Askarigii ilaalada ahaa wuxuu soo hor istaagay daaqadda qolka isaga oo ku fiiqay qorigii ka dibna furay rasaas. Qolka waxa ku jiray ilaa 8 qof. Axmed wuxuu huwanaa buste isaga oo hurday. Dhawaaqii rasaasta aanay filanayn ayaa argagax geliyay maxaabiistii. Dhawr daqiiqadood ka dib ayay arkeen in Axmed xabadi ku dhacday. Askariga rasaasta furay waa la xidhay.

Axmed waxa booliisku ka xidheen gurigooda 10kii Ogost abaaro 10:30 ilaa 10:45 habeenimo. Waxa lagu xidhay saldhiga Ibraahiim Koodbuur. Booliisku waxay yimaadeen guriga ay degan yihiin qoysku iyaga oo aan wadan wax amar qabasho ama baadhis ah taas oo ka soo horjeedda qodobka 25aad ee dastuurka Somaliland.

Axmed iyo shan eedaysane oo kale ayaa la horgeeyey maxkamadda 13kii Ogos. Waxa maxkamaddu amartay in lagu sii hayo saldhiga ka dib markii uu sidaas codsaday madaxa baadhista saldhigga Ibraahim Koodbuur. Wax eed ah looma gudbina maxkamadda. Balse waxa booliisku u sheegay inay u xidhan yihiin inay ka qayb qaateen isku soo bax la sheegay inuu ka dhacay xaafadda Jig jiga yar 10kii Ogos kaas oo ku lid ahaa dhacdo kale oo boolisku rasaas ay rideen uu ku dhintay wiil 12 jir ah, ayna ku dhaawacmeen saddex kale. Balse way diideen inay wax lug ah ku lahaayeen dhacdadaas.

Kadib markii uu dhintay Axmed, waxa shantii kale maxkamaddu xorriyadooda u soo celisay 16kii Ogos iyada oo aan wax eed ah lagu soo oogin.

Axmed wuxuu ka soo jeeday qoys danyar ah oo degan guri jiingad ka samaysan oo ku yaal xaafadda Jig jiga yar ee Hargeysa. Ma jirin wax dacwad ah oo loo hayey ee waa la iska soo xidhay. Waa in dib u habayn lagu sameeyo booliska islamarkaana loo tabobaro si waafaqsan dastuurka Somaliland iyo halbeegyada dimoqraadiga ah.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay ficilada booliska, waxayna ku baaqaysaa in la sameeyo baadhitaan madaxbanaan oo dhex dhexaad ah.

 

Guuleed Axmed Jaamac

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: dafac02@hotmail.com am hrcsomaliland@gmail.com

Website: www.hrcsomaliland.org