Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xayiradda Hadhwanaagnews la saaray

24kii November 2017, waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay xayirtay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, sida ay noo xaqiijiyeen maamulka shabakadda iyo saraakiil ka tirsan maxkamadda. Shabakadda waxa laga xayiray interneetka gudaha dadka isticmaala.

Maxkamaddu waxaay soo saartay amarka xayiraadda iyada oo aan ogaysiin maamulka shabakadda waxa lagu haystaa waxay yihiin. Maamulku wuxuu ku ogaaday xayiraadda markii dadka isticmaalaa ay uga soo cawdeen inaanay geli karin shabakadda, sida uu noo sheegay Cabdirisaaq Good, agaasimaha shabakaddu,

Sarkaal Maxkamadda ka tirsani wuxuu noo sheegay in Booliisku uu dacwad ka keenay Hadhwanaag. Taas oo la xidhiidha warar la daabacay doorashadii Madaxwaynenimo ee 13ka November kadib. Qoralaadaas oo la sheegay inay ku saabsanaayeen sida ay u dhacday doorashadu.

13 November 2017 waxa Somaliland ka dhacday doorasho madaxwaynenimo oo uu ku guulaystay murashixii u tartamayay xisbiga talada haya, Muuse Biixi Cabdi.

Xayiradda la saarayo baraha interneetku way sii kordhayaan. Waxa July sanadkan ay maxkamadda Hargeysa xayiraad saartay shan shabakadood oo ay ku eedaysay inay “faafiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ha wada jirka qabaailka Somaliland ku wada nool iyo dacaayad ka dhan ah madaxda Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidoo kale baraha bulshada ayaa Gudida Doorashadu ay xayireen 13kii ilaa 17 November iyaga oo sheegay inay ka hor tegayaan warar been abuur ah.

Xayiradda Hadhwanaagnews waa mid aan la aqbali karin oo khatar ku ah xorriyadda warbaahinta. Waxaanu canbaaraynaynaa isku dayga lagu doonayo in lagu maamulo warbaahinta madaxa banaan.

Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaaday xorriyaddda saxaafadda isaga oo mamnuucay wax kast aoo lagu cabudhinayo, sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka.

Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ka qaato Hadhwanaagenws xayiraadda.

Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Hargeys Somaliland
Email: chair@hrcsomaliland.org