Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Saxafiga, Abwaanka iyo Odayaal-dhaqameedka

Warsaxaafadeed                                          

30th October2021, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga saxafiga, abwaanka iyo odayaal dhaqameedka loo xidhay sabab ah inay ra’yigooda cabireen.

24/10/2021, waxa Laascaanood lagu xidhay, Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ah wariye ka howl gala Holhol Media iyo afar oday dhaqaameed oo kala ah Yuusuf Axmed Xandule (Cagagoye) Mustafe Aadan Gale, Faraxdeer Garaad Ismaciil Ducaale, iyo Maxamed Cawad Baaruud (Tole) iyada oon xadhigooda loo adeegsan wax warrant qabasho ah. Xadhiga odayaashan ayaa yimid kadib markii ay taageero u muujiyeen mid ka mida musharaxiinta u tartamaya doorashada barlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wariyaha ayaa isna u xidhan inuu duubay warbixinta ay odayaashu ku taageereen musharaxaas. Wax maxkamad ah lama horgeyn, waxaana dhamaantood loo soo gudbiyay Hargaysa iyo Mandheera oo ay hadda ku xidhanyihin.

Xadhiga muwaadinintani waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka. Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah amaba qaabkale.

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale mabnuucaya in qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka. 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn”

Dhanka kale 24/10/2021, waxay booliska Somaliland xidheen Siciid Maxamuud Gahayr, oo ah abwaan  iyo qoraa reer Somaliland ah, Abwaanka xadhigiisa looma adeegsan wax warrant  sharci ah, balse amarka xadhigiisa ayaa waxa bixiyay wasiirka wasaarada wax barashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), sida ay xarunta u xaqiijiyeen eheladiisu.

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah oo ay si degdega usii dayso saxafiga, abwaanka iyo odayaal dhaqmeedyada xidhan, isla markaana ixtiraamto dastuurka iyo shuruucda dalka.

Yaasmiin Cumar  Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana