Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysaa xadhiga Saxafiyiinta, Siyaasiga iyo Dhalinyarada -Laascaanood ku xidhan

Xarunta Xuquuqal Insaanku madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaraynasa xadhiga saxafiyiinta siyaasiga iyo dhalin yarada loo xidhay arimo laxidhiidha inay ra’yigooda cabireen.

27/12/2021, waxa Laascaanood lagu xidhay, Cabdifataax Maxamed Cabdi, oo ah wariye ka tirsan Holhol Media iyo seddex qof oo kale ah, Axmed Xuseen Rooble, Mukhtaar Xirsi Waal iyo Maxamed Cabdi Fataax Muuse Yuusuf.

30/12/2021, waxa iyana Laascaanood lagu xidhay Xamse Cabdiraxmaan Axmed oo ah weriye madax bannaan iyo Khadar Rigaax Faarax oo isna ka howl gala Universal TV.

Weriye Cabdifataax waa marki labaad ee la xidho, hore waxa loogu xidhay warbixin uu duubay, hadana waxa uu u xidhan yahay warbixin kale oo uu ka duubay dad ka cabanayey oo codsanayey in laga bedelo Badhasaabka cusub ee Laascaanood Cabdikarim Xaaji Diiriye.

Dhamaan weriyayaashan iyo seddexdan qof ee kale ayaa u xidhan inay ka hadleen ama baahiyeen cabasho ka dhana Badhasaabka cusub ee Laascaanood

Xadhiga muwaadiniintani waxa uu lidi ku yahay Dastuurka JamuriyaddaSomaliland.

Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayi’gisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah amaba qaabkale.

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale mabnuucaya in qofka xoriyadiisa si’ aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si’ aan sharcigu bahayn”

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ee dastuurka khilaafsan siina dayso saxafiyiinta iyo dadka kale ee xidhan, isla markaana ixtiraamto dastuurka iyo shuruucda dalka.

Yasmin Omar Haji Mohamoud
Chairperson of Human Rights Centre Somaliland
Mobile: +252 (0)634472011
hrcsomaliland@gmail.com