Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay Canbaaraynaysa Xadhiga Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo Boorama ku Xidhan

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaraynaysa xadhiga labada muwaadin ee Boorama kuxidhan, 3, July, 2021, waxa Boorama lagu xidhay Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen oo ah nin ganacsada iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo isna ah macalin.

Xadhigoodi waxa uu yimid kadib markii ay ka hadleen garaacid iyo dhaawac loogeystay Cabdirisaaq Axmed Gorayo, oo bartiisa Facebook ku qoray qoraal uu ku dhaliilayo Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.

Ismaaciil iyo Cabdiqani waxay muddo 38 cisho ah ku xidhan yihiin sifo sharci daro ah. Waran sharci lagumasoqaban, maxkamedd lamahorgeyn, danbina lagumasoogin.

Waxa kale oo tahdiid iyo hanjabaad xadhig ku socota Mahdi Cabdilahi Xuseen oo ay walaalo yihiin mid kamida labada nin ee xidhan.

Ehelada labada nin ee xidhan ayaa Xarunta u sheegay in xadhigooda uu ka danbeeyo  Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.

Xadhiga muwadiniintani waxa uu lidi ku yahay dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal iinsaanka.

Dastuurka Somaliland Qodobka 32 (1) wuxuu sheegaya “Muwaadin kastaa waxa uu xor u yahay inuu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaab kale”.

Sida ku cad, Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland “Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn”.

Sidoo kale Qodobka 27 (2) ee Datuurka Somaliland “Qofka xoriyadiisa laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in 48 saacadood gudahood maxkamadd lagu horgeeyo.

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhiga sharci darada ah, isla markana si bilaa shuruud ah usii dayso labada muwaadin ee xidhan, oo ay ixtiraamto kuna dhaqanto dastuurka dalka yaala.

Yaasmiin Cumar X. aaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana

Twitter: @hrcsomaliland