Xasan Cawaale oo ugu baaqay musharixiinta xisbiga Kulmiye in ay isku taanaasulaan, haddii ay taanaasuliy waayaana uu yahay isagu murashax

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa markii ugu shaacay in uu musharax yahay haddii saddex nin uu sheegay in ay u tartamayaan jagada Madaxweynimada xisbiga Kulmiye.

Xasan Cawaala oo ka hadlayey arrimahan ayaa waxa u yidhi:

“Musharrixiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis waxay shaaciyeen in musharaxiin yihiin xisbiga Kulmiya, waxa haboon in ay isu tagaan oo tashadaan oo ay isku tanaasulaan, taasi haddi la waayana waxaan hayaa qorshe ay saddexduba ku qanci doonaan oo aan ku kala reebi doono saddexdooba.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaan u qabtay shan cisho in ay iigu yimaadaan ama hawshooda soo dhamaystaan, haddii ay dhamaysan waayeen, iina iman waayaan, aniguna waxaan ahay musharax u taagan jagada Madaxweynenimada xisbiga Kulmiye.”

Dhowaaqa Xasan Cawaale ayaa imanaya iyadoo maalmihii u danbeeye Hargeysa laga dareemayey dhaqaaq siyaasadeed oo ay wadaan garabyo kala taageersan Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, halka wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna hore ugu dhawaaqay musharaxnimada xisbiga oo Kulmiye oo loolankiisa siyaasadeed adkaa wakhtigii uu wasiirka ahaa, aan wali wax war dambe iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed laga hayn.

Halkan hoose ka Daawo warka Xildhibaan Xasan Cawaale oo uu waramayey Tvga Star:

bandhige@gmail.com