Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa tabobar u furay 30 xubnood oo ka tirsan Xeer-ilaalinta iyo Wakiillada

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa tabobar ku saabsan caddaymaha dacwadaha iyo rafcaan qaadashada u furay 30 xeer-ilaaliye iyo xubno ka tirsan golahah wakiillad. Tabobarkani waxa uu socon doonaa afar maalmood.

Waxa ugu horayn ka hadlay furitaanka tabobarkan Agaasimaha ha’yadda Horizon Institute Siciid Axmed Maxamuud waxa uu u mahad-naqay ka-soo-qaybgalayaasha tabobarkan. Waxa kale kale oo ka warramay ahmiyadda uu tobabarkani u leeyahay xeer-ilaalinta, waxaanu ku booriyey inay ka faa’iidaystaan tabobarkan la xidhiidha dhinaca cayddaymaha iyo rafcaan-qaadashada  socon doona muddada yare ee kooban.

Waxa tabobarkan si rasmi u furay Xeer-ilaaliyaha Guud Xasan Axmed Aadan, waxaanu aad ugu dheeraaday baahida loo qabay in la tayeeyo bahda garsoorka, gaar ahaan Xeer-Ilaalinta oo la xidhiidha cadayn raadinta dacwaddaha iyo rafcaan qaadashada.

Tabobarkan ayaa la filayaa in kor loogu qaado tayada bahda garsoorka si u adeegaan bulshada caddaalada dhamaystiran oo ay bulshadu ku soo hirtaan waaxda garsoorka oo ay saluug badan ka muujiyaan.

bandhige@gmail.com