Xeer Ilaaliye-xigeenka Guud ee Qaran oo iscasilay

Xeer Ilaaliye-xigeenka Guud ee Qaranka Mahamed Ibraahim Cali ayaa maanta iska casilay xilkii uu Qaranka u hayay.

Waxaanu sheegay in uu u gudbiyey xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka iscasilaadiisa.

Warqadan is casilaada ah ee uu soo Qoray Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayuu ku baahiyey barta uu internet-ka ku leeyahay ee Face book-giisa, waxaanu is casilaadiisa ku sababeeyey arrimo la xidhiidha I nuu u madax banaanaado hawlihiisa gaarka ah.

Warqada ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka u qoray iyada oo ku taariikhaysnayd 21-kii bishan aynu ku jirno, waxay nuxurka qaybo ka mid ah is warqada casilaadu u qornayd sidan

Waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayay qaranka ee ahaa Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, waxaanan warqadaydii iscasilaadana u gudbiyey xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, iyo guddida cadaalada Jamuuriyada Somaliland oo xilkan iyagu ii magacaabay si aan qaranka ugu shaqeeyo.

Waxaan halkan aad iyo aad aan uga mahadnaqayaa dhamaan garsoorayaashii iyo xeer ilaaliye-yaashii aanu soo wadda shaqaynay, mudda aan ka mid ahaa Garsoorka Somaliland, waxa kale oo aan mahad gaar u hayaa qofka kasta oo igu taageeray muddadii aan xilka qaranka u hayay.

Sababta aan isku casilayna waxay tahay waxaan rabaa in aan u madax banaanaado hawlo aniga ii gaar ah.

Wali lama oga sababta la xidhiidha iscasilaad masuulkan hase yeeshee waxa la ogaan doonaa maalmaha soo socda halka uu ku biyo shubto masuulkan.

bandhige@gmail.com