“Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya wuxu marayaa meeshii ugu wanaagsanayd” Wasiir Biixi

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Axaddii faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, wax ka yar ka hor intii aanu u duulin Addis Ababa.

Wasiir Biixi wuxu sheegay in xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu marayo halkii ugu wanaagsanayd.

“Xidhiidhka labada dal wuxu marayaa halkii ugu wanaagsanayd, Somaliland iyo Itoobiyana waxa ka dhaxeeya cilaaqaad qoto dheer kaas oo aan sababi karin in labada dawladood dhexdooda wax ka dhacaan” ayuu yidhi Wasiirku.

Maxamed Biixi mar uu ka hadlayey sababta ay Itoobiya u joojisay fiiseyaashii dalkeeda lagu geli jiray wuxu sheegay in ay hakad galeen istiikarada fiisaha ee lagu dhajiyo baasaboorada, hase ahaatee ay hadda yimideen sidaasna ay qaadashadii fiiseyaashu dib ugu bilaabmi doonaan.

Hase ahaatee xogo aan la xaqiijin karin ayaa tibaaxaya in ay Itoobiya saluugsan tahay hannaanka baasaboorrada Somaliland loo bixiyo kaas oo lagu wareejiyey shirkad gaar ah, taasina ay keentay in Itoobiya ka werwerto in dad amnigeeda halis ku ahi qaataan Baasaboorka Somaliland kadibna safaaradda u soo doontaan fiisaha Itoobiya.

Xogohani waxay sheegayaan in ay Itoobiya doonayso in ay Somaliland kala xaajooto sidii looga hortegi lahaa cid kasta oo isku dayda in ay ku soo dhex dhuumato muwaadiniinta Somaliland, taasina ay keentay in fiiseyaashii hakad galaan.

Warkan cusub ee Wasiir Biixi shaaciyey wuxu farxad u yahay dad badan oo caafimaad ahaan iyo ganacsi ahaan u rabay in ay Itoobiya tagaan. Sidoo kale, waxa uu war wanaagsan u yahay dadkii danaynayey in ay tagaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika duulimaadkoodana danaynayey in uu sii maro Addis Ababa.

bandhige@gmail.com