Xiisad Siyaasadeed oo cakiran ayaa isaga dab-qaaday Addis Ababa iyo Jigjiga

 

Maalmahan waxa magaalada Jigjiga ee caasimadda gobolka Soomaalida ka aloosmay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa kala qaybsanaan bulsho oo gobolka ka jirta. Waxa ka sii horeeyay xiisad iyo rabshado hadheeyay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo salka ku hayay kala qaybsanaan qoomiyado ku salaysan.

Rabshadaha ka aloosmay labadan magaalo waxa qarxiyay soo dhawayno loo samaynayay masuuliyiinta u saraysa ururka ONLF iyo OLF oo magaalooyinka Jigjiga iyo Addis Ababa ku soo laabtay markii ay la heshiiyeen xukumadda cusub ee Dr Abiy Axmed.

Axaddii magaalada Jigjiga waxa soo gaadhay afhayeenka ururka ONLF(Ururka Jabhadda Xoraynta Odaadeeniya) Mudane Cabdiqaadir Xasan Caddaani Hiirmooge waxaana soo dhawayntiisa ka dhashay rabshado u dhexeeya dad diidan iyo kuwo taageersan. Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Mustafe Cagjar waxa uu ku eedeeyay rabshadaha dhallinyaro loo yaqaanay Heego oo taageeri jirtay nidaamkii Cabdi Ilay.

Hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ay rabshaduhu qabyaalad salka ku hayaan, islamarkaana dadka reer Jigjiga badhkood u arko Jabhadda ONLF mid beesha Ogaadeen u gaar ah oo aanay ahayn in Jigjiga lagu soo dhaweeyo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ka digay arrinta ah in ONLF beel ahaan loogu diido Jigjiga “Ma in aynu is dillo oo la yidhaahdo ONLF Jigjiga ma soo gali karto waa reer Hebel ba ayaa horumar noqonaysa maanta, Iyana yidhaahdaan waa yahay ‘reer Qabri-bayax ma soo gaadhi karaan Dhagax Buur iyo araarso’ oo marka dadkii walaalaha ahaa la kala qobqobo maaha. Wixii afkaar siyaasadeed ah ee Khaldan tartan siyaasadeed ayaa lagu kala baxaya laakiin, wixii Soomaalinimo ah magaalo kasta oo gobolka ku taalla nin walba oo Soomaali ah wuu tagi kara ganacsi buu ka samaysan kara wuu ku noolaan kara,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha gobolku.

Qoraal uu shalay galab boggiisa Facebook ku baahiyay madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayuu walaac kaga muujiyay kala qaybsanaanta bulshada ee gobolkiisa “Dadka ku talinayaa xumaan, ficiltan qabiil, qabyaalad iyo tollaa’ay waxay u badan yihiin dad qurbajoog ah oo aan ku gubanayn dabka ay shidayaan marka uu hulaaqo! Ma dhagaysanayno xagjiriinta qabiilka! Waxaan ognahay in ay jiraan dad maslaxo shaqsi ka dhex raadinaya isku dhufushada reeraha. Waxaan ognahay dad dambiyadii ay galeen raba inay kaadh qabiil kaga dhex siibtaan. Waxaan ognahay dad cadaalada iyo sinaanta u arka halis ku soo fool leh oo ka door bidaya qas iyo lab.

Dadka activists ka ahna waxaa laga rabaa inay hubsadaan waxa jira inta ayna qiiro jabaan talooyin aan micno lahayn ku soo jeedin. Askargii wiilka xabbada ku dhuftay hala qabto intaadan odhan waxaa ka horeeysa ma la qabtay mise lama qaban inaad hubiso! Intaadan LIVE adigoo afka abur ka tuuraya soo fadhisan oo leh urur hebel baa la beegsanayaa dadka gudaha jooga warayso oo waydii yaa dhibka wada! Ugu dambeeyntii, abaabul qabiil cid samayn kartaa majirto maanta laga bilaabo!.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Madaxweyne Mustafe Cagjar shir jaraa’id oo uu arrintan kaga hadlay Isniintii wuxuu bulshada uga digay qabyaaladda iyo in dad hab beeleed isu abaabulay sharciga gacantooda ku fushadaan waxaanu si kulul u eedeeyay kooxda Heego “Iyadoo aan iska ilaalinayno inaan ku xad gudubno cidna, haddana ma ogolaan karno Heego inay calamo noo qaadato dalka qasaan. Cidi lagu arko iyadoo wadata calan ururo ayna horey uga tirsanaan jirin waxaa laga qaadayaa talaabo adag. Lama ogola abaabul aan wax fasax ah loo haysan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Wariyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa sheegay in habeen hore magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagax Buur laga qabqabtay dad lala xidhiidhinayo rabshadaha Jigjiga ka dhacay. Waxa ay taasi ka dambeysya amar uu bixiyay madaxweynaha Gobolka oo uu laamaha ammaanka ku amray in Heego tallaabo laga qaado.

Gobolka Soomaalida markii uu dhacay nidaamkii Cabdi Ilay oo cadaadis badan ku hayay waxa isugu yimid ururo kala duwan oo qaarkood taageerayeen maamulka hore qaarna ka soo horjeedeen. Taageerayaasha ONLF, ururada qurbaha u badna ee Dulmi Diid, Barbaarta iyo Heego oo hirdan adag soo dhexmaray haddana u muuqda kuwo aanay fikradahoodu isla jaanqaadin ayaa gobolka ka jira. Sida uu sheegay madaxweynaha gobolku waxa kale oo jira beelo kala tirsanaya dulmi uu ku hayay nidaamkii hore sida in meelo dadkii u badna la cadaadiyay ay hadda doonayaan in ay gacantooda iskaga tuuraan waxaanu sheegay in maamulkiisa loo daayo oo aan sharciga gacanta lagu qaadan.

Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa waxa 13-kii ilaa 17-kii bishan hadheeyay rabshado ka dhashay soo dhawaynta hoggaanka jabhaddii xornimo doonka ahayd ee Oromada OLF oo lagu soo dhawaynayay Addis Ababa. Oromada soo dhawaynta samaynayay ayaa calamada OLF ka taagay meelo ka mid ah Addis Ababa laakiin, bulshooyinka kale ee reer Addi Ababa ayaa ka soo horjeestay waxaana abuurmay rabshado markii dad calamada diidan ay daadiyeen.

Booliska Addis Ababa waxa uu Isniintii ku sheegay warbixin uu rabshadaha ka soo saaray in 28 qof ku dhinteen laakiin, hay’adda xuquuqal Iisaanka ee Amnesty International waxay tirada dhimashada gaadhsiisay 58 qof. Sida ay baahisay qaybta Af Ingiriisida ee BBC waxa rabshadaha siyaasadeed ee Addis Ababa loo xidhay dad gaadhaya 1,200 qof.

Hay’adda Amnesty waxay ku baaqday in la sii daayo dadkaasi oo aan mar kale la buuxin xabsiyada Itoobiya sidii ay u dhaqmi jireen nidaamyadii hore ee Itoobiya maaddaama isbedel furfurnaan siyaasadeed leh la galay hadda.

Isbedellada uu horseedka ka noqday hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed oo u badna dhanka wanaagga marka la eego gobolka haddana gudaha Itoobiya waa kuwo saamayn taban yeeshay. Dhawaan warbixin la soo saaray waxay Itoobiya noqotay dalka ugu badan barakaca gudaha ee dunida kadib rabshado qoomiyado ama qabaa’il u dhexeeya. Rabshadaha cusub ee ka dhashay calamada iyo ururada siyaasadda oo salka ku haya aqoonsi siyaasadeed ama metelaadda loo arko ONLF iyo OLF in ay dad gaar ah metelaan waa mid u baahan in hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya hoos ugu eego sidii aanay kala qaybsanaanta maxalliga ahi u sii fidin.

Xigasho: Waaberi

bandhige@gmail.com