Xiisadda u dhaxaysa Turkiga iyo Holland ayaa noqotay mid sii xumaanaysa

 

Dhowr boqol oo qof oo ah taageerayaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa iyagoo calamo sita isugu soo baxay dibedda qunsuliyadooda magaalada Rotterdam, kadib markii xukuumadda Holland ay u diidday wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga in uu magaalada khudbad ka jeediyo.

Maxadda TV ayaa soo warisay in wasiirad ka tirsan xukuumadda Erdogan ay joojiyeen booliska Netherlands iyadoo u sii socotay qunsuliyadda si ay khudbad ugu jeediso dadkii halkaa isugu soo baxay.

Goor sii horreysay ayuu madaxweyne Erdogan ugu yeedhay golaha wasiirrada ee Dutch-ka inay yihiin “haraadigii Naasiyiinta” bacdamaa ay is hor taageen booqashadii wasiir-arrimo-dibadeedkiisa.

Raysal-wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid waalli ah.

Wasiiradda arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya oo isku dayday in ay gaadho halka mudaaharaadku ka socday ayey boolisku u diiddeen, kadibna waxay u kaxeeyeen dhinaca xudduudda Jarmalka, iyagoo markii dambena dalka ka eryey.

Raysul-wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa booqashadeeda ku tilmaamay mid qayrul mas’uulnimo ah. Turkiga wuxuu ballan ku qaaday in uu aargoosi ka samayn doono wax uu ugu yeedhay qaab-dhaqan aan la ogolaan karin oo lagula kacay wasiirad xasaanad diblomaasiyadeed leh.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa hadda jooga madgaalada Metz ee waqooyiga bari ee Faransiiska si uu khudbad ugu jeediyo dadka Turkiga ah ee dhalashada Faransiiska haysta, isagoo doonaya in uu kala hadlo aftida dhici doonta bisha dambe.

bandhige@gmail.com