Xikmado Maalin Uun Noloshaada Wax Kuu Tari Doona. W/Q: C/raxmaan Hayaan

  1. Dadku waxay jecel yihiiin qofka wanaagsan, laakiin ma jecla qofka wax wanaajiya, waxaad arki iyaga oo colaadinaya qofka wax wanaajiya isla markaana soo dhawaysanaya qofka wanaagan, sababtuna wax kale maaha qofka wax wanaajiyaa waxa uu ka kala daadinayaa waxa naftoodu jeceshahay iyo shahawaadkooda. Waxa tusaale kuu ah reer maka Nabiga NNKHA waa ay jeclaayeen intii aan rasuul laga dhigin, waayo waxa uu ahaa nin wanaagsan, hase ahaatee markii risaaladda lagu soo dajiyay waa ay colaadiyeen, waxaanay ku sheegeen sixiroole, beenaale iyo nin waalan
  2. Ma ogtahay in fooshu ay la xanuun tahay 42 lafood oo mar lagu wada jabiyo, waana shayga labaad ee ugu xanuunka badan nafta banii aadanka, waxa ka horreeya uun qofka oo la gubo isaga oo nool.
  3. Ma ogtahay in calaamadaha yawmal qiyaamaha ay ka mid yihiin kuwan soo socda oo wakhti xaadirkan nolosha banii aadanka laga wada akri karo
  • Ascaarta oo qaaliyawda
  • Dumarka oo jidhkooda qaawiya
  • Masaajiddada oo madhan marka laga reebo wakhtiga salaadda.
  • Xukunka Ilaahay oo laga faro baxo
  • Tuugga oo xada waxyaabo aad u liita
  • Mujaahidkii oo gacmaha ka xidhan
  • Sinada oo badhaysi noqota
  • Guurka oo adkaata
  • Dhulka muslimiinta oo la qabsado ama la haysto
  • Dadka saboolka oo roobka iyo dhaxantu cidlada ka hesho cidina aanay u naxariisan.

Xaqiiqooyin Cilmi Nafsi Ah Oo Ku Saabtan Dumarka

  1. Ma ogtahay
  • In Dumarku Yihiin Sida Bunka Ama Shaaha, Haddii Aad Dayacdo, Waa Ay Qaboobaysaa Xataa Dareennadeeda Ayaa Gudhaya
  • In Gabadhu Ay Aamusto Iyada Oo Hortaagan Qof Ay Jeceshahay, In Erayadu Ka Soo Baxaan Iyaga Oo Ilmo Dareeraysa Ah
  • Haweenaydu Marka Hore Waa Ay Kaa Baqataa Marka Aad U Soo Dhawaato, Ugu Danbaynta Waa Ay Oydaa Haddii Aad Ka Dheeraato. Raggana Inta Arrintaa Fahantaa Waa Ay Yartahay
  • Haweenaydu Kaama Doonayso Inaad Noqoto Qof Cirka Ka Soo Dhacay, Kaliya Waxay Kaa Rabtaa Inaad Noqoto Sidii Aad Ahayd Markii Aydaan Is Guursan.

Xaqiiqda Jacaylka

Ma ogtahay

  • In haddii aad qof ku jeclaato qaab dhismeedka jidhkiisa/keeda iyo soo jiidashadeeda/tiisa inaanu kaasi jacayl ahayn ee uu yahay  xiise ay indhahaagu u qaadeen
  • In haddii aad ku jeclaatay maskax badnaantiisa/teeda iyo aqoonteed/tiisa aanu kaasina jacayl ahayn ee uu ayahay la yaab.
  • In haddii aad ku jeclaato adigoo markasta arka oohinteeda/tiisa ama duruufihiisa/eeda inay tahay naxariis aad u qabto balse aanay jacayl ahayn.
  • Haddii aad seexan kari wayday isla markaana waxbarashadii ka go’day, taa lafteeduna aanay jacayl ahayn balse ay tahay xidhiidhkiina oo qoto dheeraaday oo aad marwalba aad wada joogeen.
  • Jacaylkui waa marka aanad garanayn sabab aad ku jeclaatay

Tarbiyadda Ubadka iyo Ducada

  • Ma ogtahay in carruurta aan lagu tarbiyayn Karin oo kaliya inaad wax u sheegto waxna u diiddo oo aad gaadh ka hayso, balse waxa carruuta lagu tarbiyeeyaa tahay marka intaa la sameeyo inaad u ducayso oo Ilaahay u barido inuu Ilaahay kuu toosiyo oo arrimahooda u fududeeyo, albaabbada ka xidhxidhanna u furo, ka Ilaaliyo inay la saaxiibaan dadka xunxun, kana ilaaliyo xanuunnada xunxun, kuwa qarsoon iyo kuwa muuqdaba. Markastana Ilaahay ka barido inuu kuu soo celiyo meel kasta oo ay tagaan.

C/raxmaan Hayaan

Cbdrxmngeni@gmail.com