Xildhibaan Bukhaari oo Waddani ku eedeeyey in ay doonayaan in ay Somaliland la mid noqoto Soomaaliya

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa jawaab ka bixiyay eedaymo xisbiga Waddani ku eedeeyeen xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo.

Xildhibaan Bukhaari oo shalay u waramayey wargayska Dawan ee ku hadla afka xukuumadda ayaa sheegay in xisbiga Waddani xidhiidh la leeyahay dawladdo cadow ku ah Somaliland, isla markaana uu doonayo in faro-gelin dibadeed lagu sameeyo Somaliland. isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi

“Arrintaa uu yidhi xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Wadddani xoog halanagu soo dhex-galo, aniga iyo bulshadda reer Somaliland waxay u arkaynaa in xisbiga Waddani ay tahay ujeedadiisu in Somaliland ugu yeedhaan gacmo shisheeye oo sida wadamadda aan jaarka nahay(Soomaaliya) oo kale dushana la inaga qabsado, markaa waxaan u sheegaynaa mucaaridka in aanay Somaliland ku iman farogalin shisheeye, umana baahna, una baahnaan doonto, ninka doonayaa in shisheeye yimaado dalka, halkaa shisheeyuhu joogo ha ugu tago”.

Waxa kale oo hadalkiisu ku daray inay Somaliland halka ay manta marayso ay iyadu isku tashatay, kuna badbaaday faro-gelin la’aanta shisheeyaha, waxaanu sheegay inuu dhaawac weyn u arko dalabka xisbiga Waddani ku doonayo faro-gelin shisheeye, doonayana in sida Soomaaliya oo kale ay Somaliland noqoto.
Sidoo kale Xildhibaan Bukhaari, waxa uu intaasi ku daray inaan qaranimadda Somaliland looga baqan xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo. isagoo xusay in warka shebakadda Wikilikis baahisay uu yahay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana uu yahay mid been abuur ah.

Xigasho Jaraa’idka Dawan

bandhige@gmail.com