Madaxweyne Biixi oo tacsiyeeyey Xildhibaan Cabdiqaadir Askar iyo Abwaan Waraabe-cadde

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha wakiilada, golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 01/08/2018, Dalka Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan kaalin muhiima ka soo qaatay nidaamka xeer dejinta ee qaranka, kuna suntanaa karti iyo dedaal.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha wakiilada, golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u dirayaa bahda fanka iyo suugaanta waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Baashe Ibraahim Cismaan (Waraabe-cade) oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd 31/07/2018, magaalada Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey abwaan ka baxay dalka iyo dadkaba door muhiimana ka soo ciyaaray halgamadii kala duwanaa ee dalka, sidoo kalena qayb ka ahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga reer Somaliland.

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/

2 Attachments