Xildhibaan Golaha Deegaanka ka tirsan oo ka dayriyey garsoorka Ceerigaabo

Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Ceerigaabo ayaa war muuqaal ah oo uu warbaahinta u soo gudbiyey kaga dayriyey xaaladda garsoorka Maxkamadda Gobolka Sanaag.

“Aniga oo ah Xildhibaan Maxamuud Axmed Jaamac kana mid ah xildhibaannada Degmada Ceerigaabo, waxan aad uga dayrinayaa xaalad aan la eegan karinna ay ka taagan tahay Maxkamadda Gobolka Sanaag oo uu haysto guddoomiye ku tagri falaya sharcigii ummaddu u dhiibatay.” ayuu yidhi xildhibaanku walow aanu faahfaahin dheeraad ah ka bixin xaaladda uu ka dayriyey.

Xildhibaanku wuxu xusay in uu Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo ku fadhiyo kalsooni mar haddii uu ka soo jeedo beesha Madaxweynahana wixii uu isagu doono samaynayo.

“Waxa aan baaq u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda, Guddida caddaaladda,Wasiirka Caddaaladda in ay xaaladdan wax ka qabtaan” ayuu raaciyey xildhibaanku.

Xildhibaan Maxamuud wuxu sheegay  in haddii wax laga qaban waayo garsoorka gobolka uu u arki doono in cidda Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag xilka u soo dhiibtay ay arrinkan kula socoto.

Wuxuna xildhibaanku hadalkiisa ku soo gunaanaday “Haddii wax laga qaban waayo loogu iman maayo isagoo shuruucda ku tumanaya ee annaga ayaa wax ka qaban doona.

Hoos ka daawo muuqaalka warka oo dhammaystiran.

Bandhige@gmail.com