Xildhibaan Kijaandhe oo ka mid murashaxiintii qaadacday Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Hargeysa

Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah xildhibaanada Gollaha Wakiilada Somaliland isla markaana ahaa musharax u tartamaayey xilka Madaxweynimo ee shirkii Gollaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye oo safar shaqo ugu maqnaa dalalka Saambiya iyo Kiiniya ayaa si balaadhan loog soo dhaweeyey Hargeysa.

Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa waxa uu ugu horeyn u mahad celiye dhammaan dadkii soo dhaweeyey, mahad-celinta ka dib ayaa waxa uu hadalo ka jeediyey arrimaha siyaasadda Somaliland gaar ahaan iyo kulamo uu la qaaday madax kale duwan ee uu la kulmay intii maqnaa isagoo arrimhaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Runtii dadku aad bay uga warwarsan yihiin waxa dalka ka jira, walina aad umaanaan sii qodqodon oo dalka waanu u tudhaynaa, waxa aynu hore u odhan jiray doorasho sideetan cod ah baa lagu kala baxay, laakiin maanta waan ka xumahay in ay taasi dhacdo oo la is boobo.”

Sidoo kale waxa uu kijaandhe ka dhawaajiyey in ay ka tashanayaan mustaqbalkood maadaam oo la jajuubiyey doorashadii musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye oo sida uu hadalka u dhigee.

Waxa la filayaa maalmaha soo socda halka ay isku biyo shubtaan.

bandhige@gmail.com