Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa sharci-darro ku tilmaamay magacaabista Af-hayeenka Golaha Guurtida

Shir-saxaafadeed uu qabtay shalay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa sharci darro ku tilmaamay magaabis dhawaan Guddoomiyaha Golaha Guurtidu xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho u magacaabay Af-hayeenka Golaha Guurtida.

Dheeg oo ka hadlayaa arrintaas waxa uu yidhi:

“Waxa hubaal ah in muddo laga joogo wakhtigii aanu muddo kordhinta sameynay, ilaa ayaamahaasna nin ayaa odhan jiray waxaan ahay Af-hayeenka Golaha Guurtida, xaqiiqda marka laga hadlaayo gole kasta oo baarlamaan ah Af-hayeenkoodu waa Guddoomiyahooda qof aanu goluhu doorana ma noqon karo, kumana hadli karo afka Golaha.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa faahfaahin ka bixiyey Golaha waxanu yidhi sidan:

“Waxa ay ka kooban yihiin golaha odayaashu 72 mudane, waa gole madax-banaan, mudanayaashaasiina muran kuma jiro inuu mid kastaa ka hadli karo aragtidiisa iyo fikirkiisa, laakiin waxa iga daadagi wayday oo Layaab igu noqotay in nin aanu Goluhu dooran uu go’aankii ay Goluhu gaadheen suuqa uu kaga sheekeeyo oo uu la wareego mana aha mid na qabata gole ahaan.”

Dhinaca kale xidhibaanku waxa uu ka biyo diiday ficilada uu ku sameeyo Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ficiladaasi oo uu ku sifeeyey inay yihiin kuwa dabciyey go’aamadii ay Golaha Guurtidu ka gaadheen arrintii muddo kordhinta, go’aamadaasi oo sidii xildhibaan Indho indho meelahaa uu ula meeraysanaayey oo uu meel walba ka riday, dadkana uu u sheegaayay inuu yahay Af-hayeenka Golaha Guurtida.

Dhinaca kale xildhibaanku waxa uu iftiimiyey wakhtiga munaasibka ah ee laga hadli karo go’aanka ka soo baxay Gollaha Guurtida waxaanu yidhi:

“Runtii Golaha Guurtidu waa gole sharaf mudan oo aan la murmin xisbiyada mucaarika ah iyo Guddiga Doorashooyinka toona iyagu waxa ay doonaan ha iska yidhaahdaane, go’aankayagii golahana waxa laga hadli karaa marka la soo helo nin leh waa sharci darro oo maxakamada geeya, markaana shir-gudoonkayga ayaa u jawaabaya si ku dhisan habka nidaamka sharciga Golaha, laakiin cid kale xaq uma laha inay u jawaabto.”

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida ugu baaqay in aanu shaqadiisa cid kale u idmanin ee isagu uu guto.

Hadalkan xildhibaan Dheeg ayaa imanaya wakhti ay xisbiyadda mucaaridka iyo Madasha Wadat-tashigu wadaan shir ay ugu yeedheen shirka xisbiyadda Qaranka.

bandhige@gmail.com