Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ugu baaqay dadweynaha Togdheer in ay isdiwaangeliyaan

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada oo haatan ku sugan Burco ayaa waxa uu ugu baaqay dadweynaha Burco in ay ka qayb qaataan diwaangelinta oo dhowaan ka bilaabmi doona Gobolka Togdheer.

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay xildhibaanku ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda qaadada kaadhka codbixiyaha oo dhowaaan  ka blaabmi doona guud ahaan Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Run ahaantii waxa aan saddex maalmood ku sugnaa Gobolka Togdheer, gaar ahaan Burco, Anigoo ka mid ahaa xildhibaanadii Gobolka laga soo doortay, ujeedada ugu weyni waa in aan indho –indheeyo xaalada dadku ku sugan yihiin, ku dhiiri gelinta dadweynaha in ay ka qayb qaataan diwaangelinta codbixiyaha doorashooyinka soo socda.”

Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi:

“Qodobka labaad ee  ee aan doonayo in aan ka hadlo, iyadoo dunida shidaalka jabay ayaa wax lala yaabo ah in shirkadda ay ku mudoobeen shirkadaha laydhka Burco uu laydhkoodu yahay qaali, iyaguna waxaan ugu baaqayaa in caddaalada ku soo noqdaan, waayo qiimahani waxa uu ka baxsan yahay dadnimada, waxaan leeyahay dadkiina hoos u eega.”

Inkastoo guud ahaan Somaliland uu ka jiro sicir saameeyey nolosha dadweynaha guud ahaan dhinaca maceeshada.

bandhige@gmail.com